DIYAARAD KU BURBURTAY GAROONKA ADEN CADDE.

(SAWIRKA)-DIYARADQUMAATIGA U KACDA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Diyaarad Helicopter ah oo ey leeyihin Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa subaxnimadii Arbacada ku burburtay Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ku dhintay shan ka mid ah 8 ka mid ah shaqaalihii diyaaradda. Shilkan ayaa ka dhacay meel 200 oo mitir dhanka bari kaga beegan Waqooyiga Ramp ee Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho, iyadoo shaqaaluhu ey ku jireen hawl gal dagaal oo caadi ah, ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Uganda. Mid ka mid ah Saraakiisha Hay’adda Duulista Hawada ee magaalada Muqdisho oo magaciisa qariyay sababo la xiriira xayiraadda la saaray Warbaahinta ayaa u sheegay Anadolu in Diyaaradda Helicopter-ka ey la socdeen 8-shaqaale ah oo ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugida ey ku dhacday xilli ey ku soo degeysay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ka dib markii ey ka soo duushay Garoonka Balidoogle, halkaasoo ey ku sugan yihiin Ciidamo gaar ah oo Mareykan iyo Soomaali isugu jira. Waxa uu sheegay in shaqaalaha gurmadka iyo dab-damiska ey goobta soo gaareen, eyna xakameeyeen dabkii ka kacay diyaaradii burburtay ee Helicopter-ka. Xaliimo Axmed oo ka mid ah dadka ku nool degmada Wabari ee caasimadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadashay Anadolu ayaa sheegtay iney aragtay qiiq xooggan oo ka soo baxaya garoonka diyaaradaha Arbacada maanta ah. Duulimaadyo dhowr ah ayaa dib u dhacay intii uu shilku socday, balse waxaa la sheegay in garoonka uu dib u bilaabay howlihiisa caadiga ah. Ciidamada Uganda ayaa sheegay in qaraxa ey ku waxyeeloobeen 3-qof oo rayid ah oo goobta ka agdhawaa, sidoo kalena ey waxyeelo kasoo gaartay diyaarada, duuliyaha,kaaliyaha duuliyaha iyo Injineerkii diyaarada oo ey la socdeen dadka rayidka ah, waxaana la geeyay Isbitaalka AUSSOM Sector 1 Level II, si loogu dabiibo. Waxay intaas ku dartay in koox gurmad ah oo wadajir ah oo ka kooban garoonka diyaaradaha iyo dab-demiska Qaramada Midoobay, oo ey weheliyaan AUSSOM shaqaalaha ka hortagga walxaha qarxa, ey gacan ka geysanayeen dadaallada samata bixinta, iyadoo uu socdo baaritaan rasmi ah oo ku saabsan shilkan.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WASIIR FIQI OO LA KULMAY HEYAD KA SOCOTO MIDAWGA YURUB.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO TANZANIYA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS DHINACA DUULIMAADKA AH.