SOOMAALIYA IYO TANZANIYA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS DHINACA DUULIMAADKA AH.

(SAWIRKA)-WAFDIGII SOOMAALIYA KA SOCDAY.

(DAR EL SALAAM)-Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya iyo tan dalka Tanzania oo gaaray heshiis iskaashi oo ku saabsan Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda dalka Tanzania ee Dar ES Salaam. Halkaasoo ey kulan kula yeesheen wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Bariga Afrika ee Tanzaniya, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, oo ey weheliyaan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Tanzaniya, Prof. Godius Walter, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka ee Tanzaniya, Mudane Salim R. Msangi, iyo Maareeyaha Guud ee Air Tanzaniya, Eng. Beter R. Ulanga, iyo masuuliyiin kale. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka Gaadiidka Hawada, is-weydaarsiga khibradaha, tababarada shaqaalaha, iyo horumarinta isu socodka duulimaadyada rayidka ah. Waxaa si gaar ah loo falanqeeyay heshiiskii iskaashiga caalamiga ah ee BASA agreement, waxaana laga gaaray qodobadan:

1. In diyaaradda Air Tanzaniya ey duulimaad toos ah ku timaado Soomaaliya toddobaadyada soo socda.

2. In la kala saxiixdo tababarro la xiriira shaqaalaha duulista rayidka ah ee labada dal.

3. In la saxiixay heshiis hordhac ah oo fududeynaya isu socodka duulimaadyada rayidka ah (BASA).

Ugu dambeyntii, wafdiga ayaa ka qeyb galay Xuska 65-guurada Xorriyadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Safaaradda Soomaaliya ee Tanzaniya. Wafdiga ayaa uga mahadceliyay dowladda Tanzaniya iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi martigelinta iyo soo dhawaynta.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

DIYAARAD KU BURBURTAY GAROONKA ADEN CADDE.

Next
Next

KULANADA SOO SOCDO EE KOOBKA K/CAGTA NAADIYADDA ADDUUNKA.