WASIIR FIQI OO KULAN XASAASI AH LA YEESHAY SAFIIRKA MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO SAFIIRKA MARAYKANKA RICHARD RILEY.
(MUQDISHO)-Todobaad ka hor ayey ahayd markii ey dhacday isku shaandheyn kooban oo lagu sameeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Isku shaandheyntaas ayaa saameysay Wasaaradaha Gaashaandhiga iyo Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Si loo dardar geliyo hawlaha baaxadda leh ee horyaalo Wasaaradda G/dhiga ayaa Wasaaradda G/dhiga waxaa loo magacaabay Amb.Axmed Macallin Fiqi kaaso horay u soo qabtay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa qaaday tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah oo uu dib ugu furayo cilaaqaadka difaaceed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Mareykanka, ka dib sanado mugdi siyaasadeed iyo wadashaqeyn la’aan u dhexeysay Safaaradda Mareykanka iyo Wasiirkii hore ee Difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Jaamac.” Axmed Fiqi, oo leh khibrad dheer oo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Diblumaasiyadda ayaa si degdeg ah u bilaabay kulammo diblumaasiyadeed tan iyo markii la magacaabay. Wuxuune kulamadaasi la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Rochard Riley, kulan lagu sifeeyay mid dib loogu billaabayo xiriir istaraatiiji ah oo muddo kala go’onaa. Wasiir Fiqi ayaa kulanka ka dib sheegay oo yiri “Waxaan ku faraxsanahay kulanka aan la yeeshay Safiir Riley. Mareykanku waa saaxiib iyo xulafo amni oo muddo dheer nala soo jiray. Aad ayaan uga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah, waxaana rajeyneynaa in aan sare u qaadno xiriirka difaaca annagoo iska kaashaneyna la dagaallanka AL-Shabaab iyo ISIS.” Safaaradda Mareykanka oo dhankeeda war ka soo saartay kulankaas ayaa tiri: “Safiir Riley wuxuu shalay la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Fiqi si ey uga wadahadlaan xiriirka difaaca. Kulankaasi wuxuu salka u dhigay saldhig adag oo lagu sii xoojinayo iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya ee la xiriira amniga.” Isbeddelka hoggaamineed ee uu horseeday Wasiir Fiqi ayaa loo arkaa fursad cusub oo lagu dhisayo kalsoonidii si weyn u daciiftay xilligii Wasiir Jaamac, oo xiriirkiisa Safaaradda Mareykanka uu ahaa mid hoos u dhacay sababo la xiriira is-faham darro, wadashaqeyn la’aan, iyo niyad jab ku yimid qorshayaashii wadajirka ahaa ee dhinaca amniga. Ilo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu muujiyay in uu la tacaalayay “wada-xaajood xaddidan” iyo “kalsooni la’aan hab-dhaqan” intii uu Jaamac xafiiska joogay, taasoo sababtay in hawlgallo la xiriira tababar, taageero iyo qorshayaal milatari ey dib u dhacaan ama ey gabi ahaanba istaagaan. Fiqi oo horey u soo noqday Agaasimaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa si weyn loogu ammaanay fahamka uu u leeyahay Xiriirrada caalamiga ah iyo qorsheynta istaraatiijiyadda amniga gudaha. Xirfadiisa iyo aqoontiisa ayaa hadda muujinaysa inuu yahay hoggaamiye lagu kalsoonaan karo oo dib u mideyn kara iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka. Wada-xaajoodyada cusub ayaa la filayaa iney horseedaan kordhinta tababarada, taageerada qalabka milatariga, hawlgallo wadajir ah, iyo dib u dhiska awoodda Hay’adaha Amniga Soomaaliya. Qoraal la soo dhigay barta X ee horay loo oran jiray Twitter eyna leedahay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in shalay oo Isniin ahayd ey wada kulmeen Safiir Riley iyo Wasiirka G/dhiga DFS Md.Axmed Macallin Fiqi,iyadoo labada dhinac ey yeesheen dood wax ku ool ah kuna saabsan xiriirka Difaac ee Soomaaliya iyo Maraykanka. Tani waxa ey dejineysaa qaab adag oo lagu sii qoto dheereynaayo iskaashiyadda iyo inaan si wadajir ah isaga kaashano dagaalka ka dhanka ah kooxda AL-shabaab.
XIGASHO-RADIO DALSAN.