WASIIRKA MAALIYADDA EE XFS OO LA KULMAY GUDIGA…
(SAWIRKA)-GUDIGA MAALIYADA EE GOLAHA SHACABKA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Gudiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta Caalamiga ah iyo la Xisaabtanka Hayadaha Dawladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xafiiskooda ku yaalo Xarunta Gudoonka iyo Gudiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Biixi Imaan Cige, waxaa kulanka maanta shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Gudiga Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame(Qawdhan). Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu Gudigu u yeertay Wasiirka ayaa waxaa masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee XFS oo ee ugu horeeyo Wasiirka looga dhegaystay warbixino guud kuna saabsan hanaanka dakhli ururinta DFS, warbixinta seddex biloodlaha ah ee dakhliga iyo kharashaadka sannadka 2025-ka iyo sidoo kale warbixnta xisaab xirka sannadii hore 2024-ka. Xubno ka tirsan Gudiga ayaa su’aalo waxa ey weydiiyeen masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda shaqada ey u heyso Qaranka. Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Gudiga Miisaaniyadda,Maalyadda,Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo la xisaabtanka Hayadaha DFS ee Golaha Shacabka Md.Candi Ibrahim Warsame(Qawdhan) oo kulanka soo xiray ayaa u mahaceliyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo xubnaha kale ee la socday, Md.Qawdhan ayaa sheegay in labada dhinac ey ku balameen in kulan kale oo su’aalo lagu weydiinaayo masuuliyiinya Wasaaradda Maaliyadda loogu yeeri doono waqtiyadda soo socdo.
ISHA-SNTV.