SHIRKII MADASHA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO…

(SAWIRKA)-GWQ.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo Talaada ah uu si rasmi uga furmay Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Shirkii Madasha Golaha Wada Tashiga Qaran,shirkaan ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxa eyna ahayd inuu qabsoomo 1-dii bishan Meey-2025-ka,waxaane dib loo dhigay ilaa 5-ta bishan Meey-2025-ka oo ahayd shalay balse ma uusa qabsoomin sababo aan weli shaaci dartood. Shirkan maanta Muqdisho ka furmay ayaa waxaa ka maqan Madaxda labada maamul ee kala ah Puntland iyo Jubaland, diidmadooda ah iney ka qeybgalaan Shirka ayaa ah mid si aad ah u kala duwan waayo Hogaamiyaha Jubaland waa uu ka soo qeybgalay dhammaan Shirarkii horay u soo qabsoomay halka Hogaamiyaha Puntland uu isaga iska diiday inuu ka qeybgal shirarkii ugu dambeeyey. Shirkan Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu socon doono muddo dhan laba maalmood ah waxayaabaha looga hadaayo Madasha Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka mid ah”Arrimaha Siyaasadda dalka, Amniga, Doorashooyinka iyo dhismaha Hayadaha Federaalka”. Shirkan ayaa waxaa markii ugu horeysay ka soo qeybgalay maamulka Cusub ee SSCkhatumo kaaso dhawaan ey aqoonsatay DFS,arrintaan ayaa ka careysiisay Maamuladda Somaliland iyo Puntland oo ku takri fali jiray xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee degan degaanadda SSCkhatumo balse hadda noqday maamul iyaga la xuquuq ah. Shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa maanta furay Madaxweynaha DFS Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxa uuna sheegay muhimadda ey leedahay xoojinta wada shaqeynta,xallinta khilaafaadka,lana dardar geliyo hanaanka dawldhiska Soomaaliya. Madashan Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Dawlad Goboleedyada kala ah” Galmudug,Md.QoorQoor, H/shabeele, Md.Guudlaawe. K/Galbeed, Md.Laftagareen, Gud.G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaaiyaha SSCkhatumo Md.C/qaadir Firdhiye.”

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WASIIR FIQI OO KULAN XASAASI AH LA YEESHAY SAFIIRKA MARAYKANKA.

Next
Next

MUCAARADKA K/SUUDAAN OO BEENIYEY INEY DIL..