MUCAARADKA K/SUUDAAN OO BEENIYEY INEY DIL..

(SAWIRKA)-AFAHYEENKA MUCAARADKA.

(JUBA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Sudaanta koonfureed ee Jiba ayaa sheegaayo in Jabhadda mucaaradka dalka Sudan ee SUDAN PEOPLE’S LIBRATION MOVEMENT-IN OPPOSITION (SPLA-IO) ey beenisay sheegashada ah iney ka dambeeyeen weerar gaadmo ah oo lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed, laguna gubay gaari xamuul ah oo marayey wadada isku xirta Juba-Terekeka. Isniintii ayuu S/GAAS. Lul Ruai Koang, Afhayeenka Ciidamada Difaaca Dadka Koonfurta Suudaan (SSPDF),bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in weerarka oo dhacay toddobaadkii hore uu xiriir la lahaa Xoogaga Mucaaradka. Hadal diidmo ah, G/sare. Lam Paul Gabriel, oo ah afhayeenka SPLA-IO, wuxuu muujiyay "naxdin" Sheegashada Afhayeenka Milatariga ee Dawladda. "SPLA-IO waxay si aad ah uga xun tahay eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee uu soo jeediyay afhayeenka SSPDF ee baraha bulshada ku sheegay in ciidamada SPLA-IO ay gaadmo ku qaadeen baabuur rayid ah oo marayay wadada Jubba Terekeka," ayaa lagu yiri bayaanka. Isagoo ku sifeeyay hadalka mid "Been-abuur", Mr Lam wuxuu ku andacoodey in SSPDF ay si joogto ah ugu hawlan tahay hawlo aan sharciga waafaqsanayn sida tuugo ka dhacay dhowr waddo oo waa-weyn oo dalka ah. "Tani waa been abuur lagu qarinayo fal-dambiyeedka caadiga ah ee SSPDF ee wadooyinkan, SSPDF waxay dhac u geysan jirtay dadka rayidka ah kaliya maahan wadada Jubba-Bar El Gazal laakiin sidoo kale wadada Juba-Nimule waxay mar walba eedeeyaan NAS ama ciidamada SPLA-IO," ayuu yiri Lam. "SPLA-IO waa dhaqdhaqaaq qaran oo ay dadka rayidka ahi qalbigooda ku jiraan, iyadoon loo eegayn qabiil, dhalasho ama urur, ciidamadeenu ma beegsadaan dadka rayidka ah, hadday joogaan hoygooda ama hadday waddooyinka joogaan," ayuu raaciyay. Afhayeenku waxa uu ku andacoodey in ciidamada Koonfurta Sudan ey u adeegsanayeen militariga mucaaradka iney gaashaan u noqdaan xasuuqa ey geysteen. "SSPDF waa iney si buuxda u qaadaa mas'uuliyadda wax kasta oo ku dhaca baabuurtaas iyo dadka saaran oo ey iska ilaaliyaan iney SPLA-IO u adeegsadaan caayda si ey u caddeeyaan weeraro kale," Lam ayaa yidhi. Eedeynta labada ciidan ayaa ku soo aadeysa xilli booqasho diblomaasiyadeed ey ku tagayaan wafdi heer sare ah oo ka socda Guddiga Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD, kaasoo la filayo iney gaaraan magaalada Jubba si ey uga wada hadlaan xaaladda dalka. Dhibkan ku dhacay Mawaadinka Soomaaliyeed ayaa ah mid galay isu tuurtuur u dhexeeyo Mucaaradka iyo Xukuumadda Koonfurta Sudan,waxaane Safaaradda Soomaaliya ee Juba looga fadhiya iney jawaab cad ka soo bixiso dhacdadaan xanuunka badn ee loo geystay Mawaadin Soomaaliyeed oo aan wax dembi ah gelin lagulana kacay fal dembiyeed si aad ah uga baxsan Bani’adanimada isagoo maraaya wado.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

SHIRKII MADASHA GOLAHA WADATASHIGA QARAN OO…

Next
Next

YAA BAAJIYEY SHIRKII GOLAHA WADATASHIGA QARANKA?