WASIIR FIQI IYO TALIYAHA CIIDAMADA XDS OO GAARAY DEG.C/DHEER.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO TALIYE MAXAMED.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka XDS S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ka socdaan dadaalo lagu ciribtirayo khawaarijto sidoo kalena ay ka jiraan hormaro dhanka amniga ah. Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda xaaladda amniga, qiimeynta howlgalada ka socda deegaannada gobolka, iyo dhiirrigelinta ciidamada XDS ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka. Mas’uuliyiinta ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo warbixinno ka dhageystay xaaladda amni, horumarka howlgalada, iyo baahiyaha jira si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida. Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa bogaadiyay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ku sugan furimaha hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka wada gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan aagga Tooratoorow. Howlgalka ayaa lagu beegsanayaa maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo ciidamada ay ka wadaan baaritaanno, baacsasho, iyo burburinta fariisimaha ay ku dhuumaaleysanayaan. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan amniga, xoreynta deegaannada, iyo ciribtirka Khawaarijta. Dhinaca kale, Howlgal Qorsheysan oo Lagu Bartilmaameedsaday Argagixisada ALshabaab ayey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ka fuliyeen deegaanka Farsoleey. Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda khawaarijta Al-Shabaab, waxaana warbixinnada hordhaca ah lagu xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood, halka 20 kalena lagu dhaawacay. Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay xarumo iyo goobo ay kooxdu u adeegsan jirtay abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo argagixisada, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed.
ISHA-SNA.