SOOMALIYA IYO TURKIGA OO WADA GAARAY HESHIISYO XOOJIN AH.
(SAWIRKA)-SOMALIA IYO TURKIGA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Turkiga ayaa ka wada bartamaha Soomaaliya dhismaha xarun loogu talagalay hawada sare iyo tijaabinta gantaallada riddada dheer, sida lagu sheegay warbixin ay Arbacadii daabacday wargeyska Faransiiska ee Le Monde. Warbixintu waxay sheegtay in mashruucan, oo si rasmi ah loogu dhawaaqay bishii Diseembar 2025 inuu yahay iskaashi dhinaca tiknoolajiyadda ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, uu ka koobnaan doono saldhig lagu gano dayax-gacmeedyo iyo goob lagu tijaabiyo gantaallada riddada dheer. Sida uu wargeysku sheegay, xaruntan ayaa ah wejigii ugu dambeeyay ee qorshe socday ku dhowaad toban sano, kaas oo lagu doonayo in Soomaaliya ay noqoto saldhig muhiim ah oo Turkigu ka fuliyo hawlgalladiisa istaraatiijiga ah. Le Monde ayaa sidoo kale sheegtay in mashruucan uu yahay natiijada 15 sano oo maalgashi siyaasadeed, milatari iyo dhaqaale ah oo uu hoggaaminayay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Turkiga ayaa qorshaynaya in xaruntaan ay kordhin karto awoodda iyo masaafada uu gaari karo barnaamijka gantaallada riddada dheer ee Turkiga. Dhinaca kale, Dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin shirkad shisheeye, mid gaar loo leeyahay ama mid dowladeed, oo ay ku jirto shirkadda SOMTURK, in ay ka fulin karaan wax hawlgal ah sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalada xeebaha ama hawlo kale oo ka dhaca badda iyo dhulka Puntland, iyada oo aan oggolaansho iyo fasax hore ka helin hay’adaha ay khusayso ee Puntland. Warsaxaafadeed ay maana Puntland soo saartay ayay ku sheegtay in go’aankan uu waafaqsan yahay Qodobbada 44, 142, 51, 52, 53 iyo 54 ee Dastuurka Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (2012), iyo sidoo kale Qodobbada 4 iyo 54 ee Dastuurka Puntland. Puntland waxay sheegtay in hay’adaha Dowladda Federaalka aysan sharci ahaan awood ugu lahayn inay bixiyaan rukhsado ama galaan heshiisyo maalgashi oo la xiriira badda iyo dhulka Puntland. Puntland ayaa sheegtay in Soomaaliya ay qaadatay nidaam federaal ah, balse weli ay socdaan wadaxaajoodyo lagu dhameystirayo qaab-dhismeedkiisa. Waxay ku doodday in Dastuurka Federaalka uu dhigayo iskaashi iyo wadatashi u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isla markaana arrimaha khayraadka qaranka lagu maamulo wadaxaajood. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in mowqifka Puntland uu ku saleysan yahay Dastuurkeeda, kaas oo dhigaya in kheyraadka Puntland ay leeyihiin shacabka Puntland, Puntland-na ay mas’uul ka tahay maamulkiisa iyo ka faa’iideysigiisa. Puntland ayaa intaas ku dartay inay sii wadi doonto ku dhaqanka awoodaha dastuuriga ah ee uu siinayo Dastuurka Puntland ilaa laga dhameystirayo nidaamka federaalka.
ISHA-HOL.