MAREEYAHA DEKEDDA MUQDISHO OO BOOQASHO KU JOOGO MARAYKANKA LANA KULMAY…
(SAWIRKA)-MAAMULKA DEKEDAHA SEATTLE IYO MUQDISHO.
(SEATTLE/USA)-Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa wada dadaallo lagu ballaarinayo iskaashiga caalamiga ah, kaddib booqasho uu Agaasimaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur, ku tagay Dekedda Seattle ee dalka Mareykanka. Booqashada oo lagu casuumay guddiga maamula Dekedda Seattle ayaa waxaa qeyb ka ahaa kulamo uu Agaasimuhu la yeeshay xubno ka tirsan guddiga dekedda, oo ay ku jiraan Hamdi Maxamed oo ah mas’uul Soomaali-Mareykan ah iyo Sam Cho. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dekedood, iyadoo maamulka Dekedda Muqdisho uu soo bandhigay isbeddellada iyo horumarrada lagu sameeyay howlaha dekedda, adeegyada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha si loo daboolo kobaca ganacsiga Soomaaliya. Dhankooda, mas’uuliyiinta Dekedda Seattle ayaa la wadaagay waayo-aragnimadooda ku aaddan maamulka dekedaha casriga ah, nidaamyada saadka, maamulka xamuulka, horumarinta shaqaalaha iyo adeegsiga farsamooyinka cusub. Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa isku afgartay inay ka shaqeeyaan dhismaha iskaashi loo yaqaan “Sister Ports”, kaas oo ujeeddadiisu tahay is-weydaarsiga khibradaha farsamo, tababarrada shaqaalaha dekedaha iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha labada dekedood. Dekedda Muqdisho ayaa ah halbowlaha ganacsiga Soomaaliya, iyadoo laga soo dejiyo lagana dhoofiyo inta badan badeecadaha dalka, oo ay ku jiraan raashiinka, shidaalka, qalabka dhismaha iyo gargaarka bani’aadannimo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixisay casriyeynta kaabeyaasha badda iyo kor u qaadista hufnaanta dekedaha, iyadoo iskaashiyada caalamiga ah loo arko tallaabo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta awoodda shaqaalaha. Iskaashiga la qorsheynayo ee u dhexeeya Dekedaha Muqdisho iyo Seattle ayaa sidoo kale muujinaya doorka sii kordhaya ee qurba-joogta Soomaaliyeed ee xiriirinta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, iyagoo gacan ka geysanaya horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo kan hay’adeed. Dhinaca kale, Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed ee Gobolka Washington ayaa qabtay kulan si heer sare ah loo soo agaasimay, kaas oo uu ka qayb galay Amb Mohamed Ali Nur “America”, oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Seattle ee Gobolka Washington. Kulanka waxaa ka hadlay Ganacsato, Aqoonyahanno iyo Hoggaamiyeyaasha Ururrada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la is dhaafsaday fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo diiradda lagu saaray dib u dhiska dalka, horumarinta dhaqaalaha, iyo doorka qurba-joogtu ka qaadan karto kobcinta Soomaaliya. Sidoo kale, Ambassador Moxamed Cali Nuur “America” ayaa jeediyay khudbad dheer oo uu kaga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, horumarka socda, iyo shaqada ay hayso Dekedda Muqdisho. Waxa uu si gaar ah uga hadlay qorshayaasha lagu casriyeynayo dekedda, kor u qaadista adeegyada badda, iyo muhiimadda iskaashiga u dhexeeya gudaha dalka iyo qurba-joogta Soomaaliyeed si loo dardargeliyo horumarka Soomaaliya.
ISHA-WAKAALADDO.