XULKA DALKA NORWAY OO KAN BRAZIL KAGA ADKAADAY (2-1).

(SAWIRKA)-KOOXDA NORWAY.

(USA,CANADA,MEXICO)-Koobka Kubadda Cagta Adduunka(FIFA WORLD CUP) oo afartiisa sanaba mar la qabto ayaa sannadkaan 2026-ka waxaa martigeliyey wadamadda kala ah”USA-CANADA-MEXICO”. Tartanka ayaa soo bilawday 11-kii bishii hore ee June-2026-ka waxaane ka qeybgelaayey ilaa 48-kooxood kuwaaso 10 ka mid ah ey yihiin kuwa ka yimid Qaaradda Afrika. Kooxahaan ayaa loo qeybiyey ilaa 12-qeybood taaso qeybtiiba ey ku jirto afar kooxood si ey uga baxaan laba kooxood. Laba iyo tobankaas qeybood ayaa waxaa ka soo baxay 24-kooxood waxaane lagu deray 8-kooxood oo galay kaalinta seddexaad, waxaane ka mid ah afar kooxood oo ka soo jeedo Qaaradda Afrika kalana ah “Aljeeriya-Gaana-Senigal-DRC”,sidaas ayeyna kooxihii ku noqdeen 32-kooxood. Waxaa la sameeyey isku aadka kooxaha 32-da ah waxaane ka soo baxay ilaa 16-kooxood oo laba kaliyah ey ka soo jeedo Qaaradda Afrika waane Marooko iyo Masar, hadaba shalay oo Sabti ahayd ayaa waxaa bilawday kulanadii ey isaga hor imaanayeen kooxaha 16-ka kooxood ah, waxaane kulanadii shalay dhacay isaga horyimid Marooko Vs Kanada, waxaane 3-0 ku adkaatay Marooko, halka kulankii labaad ey Faransa dalka Parauay kaga adkaatay 1-0. Farance iyo Marooko ayaa wada ciyaari doono maalinta khamiista ah bishuna tahay 9/7/2026-ka, halka Norway oo maanta 2-1 kaga adkaatay Brazil ey la ciyaari doonto kooxda soo adkaata (Mexico Vs UK) oo caawa wada ciyaaraayo kulankooda ayaana dhici doono taariikhdu markeey tahay 11/7/2026-ka. Kulanada harsan ee dhici doono maalmaha Isniinta iyo Talaadada ayaa kala ah: (1)-Portuqaal Vs Isbeyn. (2)-USA Vs Biljam, labadii soo adkaata waxa ey wada ciyaari doonaan 10/7/2026-ka. (3)-Arjantiin Vs Masar. (4)-Switzerand Vs Colombiya, labadii kooxood oo soo adkaata iyagana waa ey wada cayaari doonaan marka ey taariikhdu tahay 11/7/2026-ka. Kulankii maanta dhexmaray Norway Vs Brazil ayaa ku soo dhammaaday (2-1) oo ey guushu ku raacday xulka dalka Norway, waxaane goolasha Norway u dhaliyey Haaland daqiiqadihii 79-aad iyo 90-aad ee cayaarta qeybteedii dambe ka dib markii qeybtii hore la isla mari waaye (0-0), waxaane xusid mudan in Xulka Brazil ey lumiyeen Rigoore taaso sababtay in kooxda ey niyad jab aad weyn ka qaadaan Rigoorahaasi ka lumay. Goolka kaliyah ey dhalisay Brazil ayaa ahaa Rigoore. LA SOCO.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO DIB U DHIGAY DOORASHOOYINKA G/MUDUG IYO g/BANADIR.

Next
Next

MAREEYAHA DEKEDDA MUQDISHO OO BOOQASHO KU JOOGO MARAYKANKA LANA KULMAY…