WASIIR FARTAAG IYO MUSTAFA DHUXULAW OO LA KULMAY…

(SAWIRKA)-GUDIGA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA EE BJFS.

(MUQDISHO)-Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Aamniga ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargaysa waxa uu kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf sheekh Cali Dhuxulow, waxaana kulanka shir Guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey). Ugu horeyn Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustaf Sheekh Cali (Dhuxulow) ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyay shaqada Hay’adda iyo sidoo kale adeegyada ey bixiso, waxa ayna xubnaha guddiga su’aalo ka weydiiyeen shaqada ey Hay’adda Qaranka u heyso. Ugu dambeyn Guddoomiye ku Xigeenka Ahna Kusimaha Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) oo kulanka soo xiray ayaa Wasiirka Amniga Gudaha iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uga mahadceliyay aqbalaada la kulanka guddiga, wuxuuna sheegay in la isla gartay wada shaqeyn iyo in kulamada isla Xisaabtanka ah in la joogteeyo.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

RW-MAXAMED XUSEEN ROOBLE OO AH MUSHARAXA BEESHIISA.

Next
Next

(IRAN):GARSOORE MINDI LAGU DILAY.