RW-MAXAMED XUSEEN ROOBLE OO AH MUSHARAXA BEESHIISA.
(SAWIRKA)-RW-MAXAMED XUSEEN ROOBLE.
(MUQDISHO)-Reysal Wasaarihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Eng.Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay soo dhaweyn togan xilli uu shalay dib ugu soo laabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,hadal jeedin kooban uu sameeyey RW-Rooble ayaa waxaa ka muuqatay sida ey u kala fogaadeen isaga iyo nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. RW-Rooble,waxa uu sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,isagoo dalka Reysal Wasaare ka ah ayuu isaga haray tartanka doorashada Madaxtinimada dalka sannadkii 2022-kii laba sababood dartood: (1)-Inuu dhexdhexaad ka noqdo awoodihii siyaasadeed ee is haayey markaas kuwaaso xaalkoodu gaaray meel adag. (2)-Indheer garadka iyo Ganacsatada beeshiisa dhexe oo qabay in doorashadii la soo dhaafay in la dhiso C/raxmaan C/shakuur Warsame,kaaso dhaafi waayey wareegii koowaad ee doorashada Madaxtinimada. Markaan RW-Rooble waxa uu sugayaa inuu noqdo qofka ey beshiisu dhisi doonto ee loo tanaasuli doono,iyadoo la soo weriyey in Musharxiinta qaar ee ku weelka ah Rooble loo sheegay in sannadkaan ey beeshu dhisi doonto Rooble. RW-Rooble, waxa uu leeyahay fursado aaney leheyn xubnaha kale ee beeshiisa ka sharaxan sannakaan taaso qasab ka dhigeysa iney isaga ey ku dhammaadaan, waxaane ka mid ah: (1)-Rooble,waa qofka ugu xilka sareeyo beeshiisa marka laga reebo Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan kaaso hadda siyaasadda isaga baxay. Heerarka ey doorashada Soomaaliya mareyso maanta si qof loo dhiso shuruuda koowaad waa inuu qofku seddex xil midkood dalka kasoo qabtay, kuwaaso kala ah”Waa in qofku dalka Madaxweyne ka soo noqday,ama Reysal Wasaare ama waa inuu Hogaamiye ka soo noqday mid ka mid ah maamul Goboleedyada dalka ka jira,siyaasiga wata xil intaas ka hoseeyo waa ey adag tahay in la soo qaado ama la dhiso. RW-Rooble waxa uu buuxiyey shuruuda koowaad. (2)-Diiwaan togan, RW-Rooble,waxaa u iibsan inuu yahay nin dalka xilli adag badbaadiyey oo ka badbaadiyey burbur siyaasadeed iyo gacan ka hadal hubeysan. Qofka la dhisaayo waa inuu leeyahay diiwaan togan oo siyaasi ah ama dawli ah oo lagu iibin karo. (3)-Koox siyaasadeed marki aad aragto magacyada Wasiirada C/laahi Maxamed Nuur, C/laahi Carab, C/raxmaan AL-Cadaala iyo Jaamac iyo rag kale oo si buuxda loogu yaqaano xerada RW-Rooble waxa aad ogaaneysaa inuu yahay Musharaxa ugu kooxda culus ee siyaasiyiinta beesha hogaamineysa maamul Goboleedka G/Mudug. (4)-Aragtida shacabka, RW-Rooble,ka dib dad badan si aaney fileyn uu u maareeyey doorashadii Madaxtinimada soomaaliya ee sannadkii 2022-kii,waxa uu helay shacbiyad siyaasi ah,waxaane loo arkaa inuu yahay qofka hadda ugu macquulsan reerkiisa ugun cadaawad yar. (5)-Cilaaqaadka Ganacsatada, beeshiisa doorashadii la soo dhaafay ee Madaxtinimada,Ganacsatada beehsa waxay aruuriyeen lacag ka badan Lix milyan oo doolar oo lagu taageeraayo Musharax C/raxmaan C/shakuur Warsame,laakin lacagtaas waa goyn weysay wax ka badan 15-cod, sababtoo ah shaqooyinkii kale ee lacagta ka horeeysay kana muhiimsanaa ayaan la qaban amaba waxaan la akhrin waayey fursadaha qofka dhismi karo. Qaar ka mid ah Ganacsatada beeshaas,dhallinyarada iyo xubno waxgarada ah ayaa la sheegay iney hadda bilaabeen dooda ah in sannadkan ey RW-Rooble dhisaan lana tanaasuliyo dhammaan Musharixiinta kale ee Beesha.
ISHA-WAKAALAD.