SWEDEN OO MAXKAMADEYSAY NIN LOO HAYSTO GUBISTII DUULI…
(SAWIRKA)-NIN LOO HAYSTO GUBIDII DUULIYE URDUN AH.
(SWEDEN)-Dacwad oogayaasha dalka Sweden ayaa maanta oo Talaado ah dacwad ku soo oogay nin looga shakisan yahay inuu galay dambiyo dagaal iyo Argagixisanimo oo ka dhashay dilkii duuliye ka tirsanaa ciidamada cirka Jordan oo toban sano ka hor lagu gubay Suuriya. Usama Krayem oo 32 jir ah ayaa horey loogu xukumay inuu ku lug lahaa weeraradii Paris ka dhacay 2015 iyo Brussels sanadkii 2016. Kooxda Daacish oo mar xukun argagax leh ku soo rogtay malaayiin qof oo ku nool Suuriya iyo Ciraaq, ayaa waxay gacanta ku dhigtay duuliye u dhashay dalka Urdun oo lagu magacaabo Mucaad AL-Kasasbeh bishii December ee sanadkii 2014-kii, waxayna markii dambe soo bandhigtay muuqaal muujinaya isagoo nool oo lagu gubayo qafis. Xeer ilaalinta Sweden ayaa Krayem ku soo oogtay dambiyo dagaal iyo Argagixisanimo, sida ey eedda muujisay. "Krayem, isaga oo kaashanaya lana heshiiyey dambiilayaasha kale ee ka tirsan ISIS, ayaa dilay/nafta ka xayuubiyey Mucaad Al-Kasasbeh," maamulka ayaa ku yiri eedda. Waxa ey sheegtay in Krayem uu ku qasbay duuliyihii qafiska iyo in uu sidoo kale sawiray kamarad, isaga oo og in muuqaallada la faafiyay ey muujinayso qorshe iyo fikrado ey ku doodayso Daacish. Qareenka Iswiidhishka ee Krayem isla markiiba kama jawaabin codsi faallo ah. Krayem ayaa si ku meel gaar ah loogu soo wareejiyay dalka Iswiidan isagoo ka yimid dalka Faransiiska si loogu soo taago Maxkamad ku taal magaalada Stockholm. Daacish ayaa gacanta ku haysay dhul badan oo Ciraaq iyo Suuriya ah intii u dhaxeysay 2014 iyo 2017, waxaana lagu jabiyay saldhigyadii ugu dambeeyay ee Suuriya 2019. Sida uu dhigayo sharciga Iswiidhan, Maxkamaduhu waxay dadka ku xukumi karaan dembiyada ka dhanka ah sharciga caalamiga ah ee lagu galo dibadda.
ISHA-AA.