GIRIIGA OO MAXKAMADEYEY SHAQAALIHII MARKABKII QALIBMAY 2023-KII.
(SAWIRKA)-MARKABKII MUSIIBADA.
(ATHENS)-Maxkamad ku taal dalka Giriiga ayaa dacwad ku soo oogtay 17 ka tirsan ilaalada xeebaha mid ka mid ah musiibadii doontii ugu dhimashada badneyd ee ka dhacday badda Mediterranean-ka, taasi oo ey ku dhinteen ilaa 650 muhaajiriin ah. Markabka kalluumeysiga ee Adriana oo buux-dhaafay ayaa ku dagtay meel u dhow Pylos ee xeebaha Giriigga bishii Juun 2023. Dadkii ka badbaaday ayaa BBC-da u sheegay in marqaatiyaasha ey aamusiyeen ilaalada xeebaha Giriiga, kuwaas oo sababay in Adriana ey dagtay markii ey isku dayday iney jiidato. Maamulka Giriigga ayaa si joogto ah u beeniyay sheegashada. Xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Badda ee Piraeus wuxuu ogaaday in 17 xubnood oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Hellenic ey wajahaan eedeymo dembi oo ku saabsan musiibada. Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC u sheegay Isniintii: "Waxay nagu qaadatay laba sano kaliya in eedeymahan ey yimaadaan, in kasta oo dad badan ay goobjoog ka ahaayeen waxa dhacay." Dadka dacwadda lagu soo oogay waxaa ka mid ah kabtanka markabka LS-920, markabka ilaalada xeebaha ee qabtay Adriana. Kabtanka ayaa lagu eedeeyay "in uu sababay burburka markabka," taasoo keentay dhimashada "ugu yaraan 82 qof." Tiradaas ayaa ka dhigan tirada meydadka laga soo saaray doonida degtay, laakiin waxaa la rumeysan yahay in ilaa 500 oo qof oo kale ey dhinteen, oo ey ku jiraan haween iyo carruur badan oo sagxadda ka hooseysa. Afar sarkaal oo kale, oo uu ku jiro taliyaha ilaalada xeebaha iyo kormeeraha Xarunta Isku-dubbaridka Raadinta iyo Samatabbixinta Qaranka ee Piraeus, ayaa lagu eedeeyay "iney dadka kale u soo bandhigeen khatar." Kabtanka LS-920 ayaa sidoo kale lagu soo oogay "faragelin khatar ah oo gaadiidka badda" iyo "ku guuldareysiga bixinta gargaarka." Shaqaalihii markabka ilaalada xeebaha waxaa lagu soo oogay "iney si fudud uga qayb qaateen" dhammaan falalka lagu eedeeyay in uu sameeyay naakhudaha. Markabkan oo lagu magacaabo Adriana oo ka ambabaxay dalka Liibiya kuna sii jeeday dalka Talyaaniga ayaa waxaa saarnaa ilaa 750 qof, waxaana la socday ilaa 15-saacadood ka hor inta eysan musiibadu dhicin. Kaliya 104 ka badbaaday ayaa la diiwaangeliyay. BBC-da ayaa samaysay baaritaan dheer oo ey kaga soo horjeedsatay xogta ilaalada xeebaha Giriigga ee ku saabsan doonta degtay. Sannadkii hore, Maxkamad ku taal Giriigga ayaa tuurtay kiis ka dhan ah sagaal Masaari ah oo lagu eedeeyay iney ku xirnaayeen masiibadaas, iyadoo la sheegayo in mas'uuliyiinta Giriiga ey ku gacan sayreen. Qaxooti Suuriyaan ah oo lagu magacaabo Axmad ayaa BBC-da u sharaxay sida ey wax u dhaceen wuxuuna ku eedeeyay ilaalada xeebaha Giriiga dayacaad. "Waxay ku xireen xarig dhanka bidix," ayuu yiri. "Qof walba wuxuu u dhaqaaqay dhanka midig ee doonida si uu u dheellitiro, markabkii Giriiga ayaa si deg deg ah u dhaqaaqay, taasoo keentay in doonteena ey roganto, waxay ku jiidayeen meel fog." Markii badbaadayaasha la soo badbaadiyay, waxaa amar ku bixiyay iney "aamusaan" sarkaalka u xilsaaran su'aalaha, Axmad ayaa ku daray. Kuwa badbaaday, ayuu yiri, waxaa lagu yiri: "Waxaad ka badbaaday dhimasho, joojiya ka hadalka dhacdada, su'aalo badan ha weydiin." Ahmad waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ilaalada xeebaha “ugu dambayntii lagula xisaabtamo wixii ey sameeyeen oo dhan, laakiin ilaa aan ku arko iyaga oo xabsiga ku jira weli waxba lama qaban.”
ISHA-AN.