(IRAN):GARSOORE MINDI LAGU DILAY.
(SAWIRKA)-GOOBKA LAGU DILAY GARSOORAHA.
(IRAN)-Garsoore ka tirsan Maxkamadda dambiyada ee magaalada Shiraz ee Koonfurta Iran ee Gobolka Faris ayaa la dilay subaxnimadii Talaadada maanta ah,isagoo ku sii jeeday goobtiisa shaqada, sida ey sheegeen Garsoorka. "Saakay, laba qof ayaa weeraray oo dilay Garsoore Ehsan Bagheri, oo ahaa Madaxa laanta 102 ee Maxkamadda Dambiyada 2 ee Shiraz, isagoo ku sii socda shaqadiisa," ayuu yiri Mizan Online ee Garsoorka. "Nasiib darro, falkan Argagixisanimo awgeed, wuu shahiiday," ayey raacisay. Kooxihii dilka geystay ayaa wali baxsad ah, lamana oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysay dilka Garsooraha. Bagheri, oo 38 jir ah, wuxuu lahaa in ka badan 12 sano oo Waayo-aragnimo Garsoor ah, wuxuuna u dhashay Gobolka Faris, oo caasimaddiisu tahay Shiraz ey kuna taal meel qiyaastii 900 kilomitir (550 mayl) koonfur kaga beegan caasimadda Tehran. Horay waxa uu Xeer-ilaaliye iyo Baare uga soo noqday Maxkamadihii Kacaanka ee dhowr magaalo oo ey Shiraz ka mid tahay, ka hor inta aan loo magacaabin inuu hoggaamiyo Laanta 102-aad ee Maxkamadda Dambiyada. Madaxa cadaalada Gholamhossein Mohseni Ejei ayaa amray in baaritaan gaar ah lagu sameeyo dilka. Weerarkan ayaa yimid ka dib markii laba Garsoore lagu toogtay weerar naadir ah oo ka dhacay gudaha Maxkamadda sare ee Iran bishii Janaayo. Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay wax ey garsoorka ku tilmaameen “fal qorsheysan oo dil ah,” isagoo dilay Garsoorayaashii rug-cadaaga ahaa ee Ali Razini iyo Mohammad Moghisseh ka hor inta uusan naftiisa dilin. Labada ninba waxay Madax ka ahaayeen kiisas ammaan oo heer qaran ah. Maamulka ayaa xilligaas sheegay in baaritaan uu socdo, balse ma cadda sababta ka dambeysay. Habeenimadii Isniinta ayaa nin afar qof ku dilay isla magaaladaas ka hor inta eysan ciidamada ammaanku toogan oo eysan soona qaban mana laga bixin Faah faahin dheeri. Weerarka lagu dilay Gasooraha ayaa ahaa mid loo adeegsaday Mindi,waxaane fuliyey laba nin kuwaaso aan weli la qoonsan cidda ey yihiin,warbaahnta dalka Iraan ayaa dilkaan ku tilmaantay inuu yahay fal Argagixiso mana jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka.
ISHA-IRAN.