RW-XAMSE OO BOOQDAY XARUNTA CUSUB EE WASAARADDA AWQAAFTA.

(SAWIRKA)-DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA AWQAAFTA IYO ARRIMAHA ISLAAMKA.

(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, ayaa sheegay in Wasaaraddani ey tusaale u tahay isku tashiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dib-u-dhiska iyo horumarinta xarumaha dowladda. Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Madaxda Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, hoggaaminta wax-ku-ool ka ah oo ey ka sameeyeen dhanka horumarinta adeegyada bulshada iyo dib-u-habeynta kaabeyaasha shaqo ee wasaaradda. Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Shaqadan ey ku timid dadaalka Xukuuumadda ee ku aaddan dowlad wanaagga iyo hufnaanta adeegga bulshada loo hayo, iyada oo la xoojinayo hey’adaha dowladda, si ey u helaan xarumo shaqo oo u qalma. Kormeerka Ra'iisul Wasaaraha, ayaa ka tarjumaya dardargelinta habsami u socodka howlaha shaqo ee hey'adaha dowladda, isla xisaabtanka, iyo kor u qaadista adeegyada dowladdu ey u hayso bulshada Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo ballan-qaadyadii Xukuumadda DanQaran ee xoojinta dowlad-dhiska. Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xoojinaya qaban-qaabada Maalmaha Xorriyadda Qaranka, ayaa magacaabay Guddi ka kooban Wasiirro iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka shaqeynaya xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna. Guddiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha, ayaa u xil-saaran qaban-gaabada xuska Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ee Sanadguurada 65aad ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo, Amniga iyo xiriirinta heyadaha qaybta ku leh dabaaldegga Maalmaha Xorriyadda. Gudigaan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Md.Cali Xoosh waxaane xubna ka ah Wasiiradda kala ah” Bashiir Goobe, Xasan Eelaay, Maareeye, Xirsi Jaamac Gaani, Cali Xagaa, Nuura Mustafa Guudaw, C/raxman AL-Cadaala, Gud. G/banadir ahne Duqa Caasimadda Md.Maxamed Axmed Amiir, Agaasime Maxamed C/raxman Maxamed ahne Xoghayaha Gudiga”.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

(IRAN):GARSOORE MINDI LAGU DILAY.

Next
Next

MIDAWGA AFRIKA OO DABAALDEGAY SANNAD GUURADII 62-AAD.