MIDAWGA AFRIKA OO DABAALDEGAY SANNAD GUURADII 62-AAD.
(SAWIRKA)-MIDAWGA AFRIKA.
(MUQDISHO)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa maanta xarunteeda ku qabatay munaasabadda Xuska Maalinta Afrika, oo ah xuska markii dhidibada loo taagay Ururka Midnimada Afrika (OAU) 25 May, 1963, iyadoo sanadkii 2002 loo beddelay Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegay in 25 May ey tahay maalin ku weyn Afrika oo ey ku beegantahay taariikhda markii la Aas’aasay Ururka Midawga Afrika, kaasoo markii dambe loo beddelay Midowga Afrika, isaga oo sheegay in Ajandaha Afrika uu mudnaanta koowaad u yahay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Wasiirka ayaa u rajeeyay Afrika guul iyo horumar, si la mid ah Soomaaliya iney hiigsato baraare, isaga oo adkeeyay muhiimadda cadaaladda ey u leedahay Afrika, haddii ey ahaan lahayd wixii ka soo gaaray halgankii ey uga soo horjeedday Gumaysiga iyo xoojinta isku-caddaalad-falka dhexdeeda. Munaasabadani oo Wasaaraddu kala kaashatay Bankiga IBS ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Safiirrada dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Muqdisho. Soomaaliya, waxa ey xubin aas’aasi ah ka ahayd Ururka Midnimada Afrika (OAU), iyadoo Saxiixday Axdigii lagu Aas’aasay sanadkii 1963, waxa ayna kaalin muuqata ka qaadatay taageeridda Ururradii Xornimo-doonka ee Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga Afrika, iyadoo sidoo kale ka qeyb-qaadatay dadaallo xal loogu helay qulqulatooyin iyo loolanno milatari oo ka dhexeeyay dowlado. Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ey martigelisay Shir-madaxeedkii 11aad ee Ururka Midawga Afrika sanadkii 1974, kaasi oo lagu qabtay Caasimadda Muqdisho. Midawga Afrika ayaa ku baaqay in dib loo cusbooneysiiyo Cadaaladda,Midnimada iyo Horumarka la wadaago. Md.Maxamud Cali Yusuf,oo ah Gudoomiyaha AU-da ayaa jeediyey khudbad dareen leh kana tarjumeysa socdaalka taariikhiga ah ee Qaaradda Afrika,isagoo ku baaqay in la qaado talaabooyin geesinimo leh oo mustaqbalka leh Cadaalad iyo Barwaaqo. Halku dhega sannadkan 2025-ka ayaa ah”CADAALADDA AFRIKAANKA IYO DADKA AFRIKAANKA AH EE ABAALMARINTA”.
ISHA-SB-MEDIA.