WASIIR DA’UD AWEYS OO SHIR KA FURAY MUQDISHO.
(SAWIRKA)-MADAXDA WARFAAFINTA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, uu si rasmi ah u furay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy). Kulanka oo socon doono mudo laba maalmood ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Warfaafinta Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS, SSC-Khaatumo & Gobolka Banaadir, Madaxda Xafiisyadda Warbaahinta ee DFS, wakiilo ka socda Warbaahinta Madaxa Banaan, Golaha Madaxa Banaan ee Warbaahinta iyo Dadka Caanka ka ah Baraha Bulshada (social media). Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay ujeedka kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Warbaahinta ‘’Maareynta khataraha isticmaalka qaldan ee baraha bulshada’’ iyo Ajendihiisa, isagoo kusoo dhaweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska mudane Cabdilaahi Xayir Ducaale oo kalmada soo dhawaynta ka jeediyay madasha ayaa si kooban faahfaahin uga bixiyay ujeeddooyinka kulanka, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo siyaasad mideysan oo lagu wajahayo khataraha ka dhasha isticmaalka khaldan ee baraha bulshada. Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa kula dardaarmay ka qeybgalayaasha in kulanka ay uga faa’iideystaan sidii loo dhisi lahaa hannaan siyaasadeed oo suurtagelinaya in baraha bulshada loo adeegsado si waxtar u leh bulshada, loogana hortago wararka khatarta ah sida xagjirnimada, been abuurka, iyo marin-habaabinta. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa waqti ey taagan tahay arrin aad culus kana jirta dalka Jarmalka oo ku saabsan laba nin oo Soomaaliyeed ey ka hadashay Warbaahinta dalka Jarmalka laba maalmood ka hor,ragaan laga hadlay ayaa kala ah Yacquub Siyaad iyo Kabtan Ayuub oo baraha bulshada si wanaagsan looga yaqaano kana soo wada jeedo DG Puntland. Arrinta ragaan oo hadda maraysa heer bilaw ah uuna soo diyaariyey Tv laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa hadda baraha bulshada ka taagan.
ISHA SNTV.