DOORASHADA GUDOOMIYE FURDUG OO MURAN KA TAAGAN YAHAY,SABABTA?

(SAWIRKA)-GUD.FURDUG.

(BALCAD)-Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee Dawlad Goboleedka Hirshabeele ayaa sheegaayo in halkaasi ey maanta oo Axad ah kuna beegan 6/7/2025-ka ey ka qabsoontay Doorashadii Golaha Degaanka ee degamada Balcad. Doorashada maanta ka dhacday degmada Balcad ayaa ahayd mid Dadban laguna soo doortay Golaha Degaanka ee degmada,waxaane Golaha degaanka ee degmada Balcad soo Doortay Odayaal Dhaqameed kasoo kala jeeda beelaha wada dega degmada Balcad ee G/Shabeeladda Dhexe. Kulanka maanta lagu doortay Golaha degaanka ee degmada Balcad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoos ee DG H/Shabeele Md.Cabdi Daahir Guure(Karoore), Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Md.Nuur Xasan Sheekh Muuse (JAAKO) iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda dhexe Md.Masdile, waxaane Doorashadii maanta ka dhacday Balcad lagu Doortay isla Gudoomiyihii xilka haayey Md. Qaasim Cali Nuur(Furdug). Sida aan la wada socono DG H/shabeelle waxa uu ka mid yahay Dawlad Goboleedyadda saxiixay in dalka ey ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah kulankoodii ugu dambeeyey ey yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka, balse arrintaan hadda ka soo korortay degmada Balcad ayaa ah mid dad fara badan una dhashay degaanka oo sugaayey iney u tartamaan Xilka Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee degmada Balcad ku noqotay mid ey si aad ah ula yaabeen ka dib markii ey maqleen. Arrintaan maanta ka dhacda degmada Balcad ee G/shabeeladda dhexe waxaa si kulul uga hadlay Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md.Xildhibaan Cali Balcad ahne masuul u dhashay degmada sida aad ka garan kartiin magaciisaba. Md.Xildhibaan Cali Balcad ayaa bartiisa Facebook-ga soo dhigay Qoraal uu kaga hadlay Doorashada ka dhacda degmada Balcad, waxa uuna qoraalkiisa u qoraanaay sidaan:”Waxaa nasiib darro wayn ah in xilli uu dalku isku diyaarinayo doorasho loo dhan yahay oo ay socoto diiwaan gelintii codbixiye yaasha, iyadoo aan maalin dhawayd arkaynay sawiradda Madaxwaynayaasha GalMudug iyo Koonfur Gabalbeed oo saf ugu jira is diiwaangelinta doorashada qof iyo cod in uu Maamulka HirShsbelle ee Madaxwayne Cali Guudlaawe ku mashquulsan yahay qabashada doorasha dadban oo uu xiligeedi dhamaaday. Doorasho ku sheegta maanta lagu qabtay degmads Balcad waxay meel Ka dhac ku tahay heshiisyadii ay horay u gaareen GWQ iyo Shuruucdii ay ansixiyeen Goloyaasha Qaran. Waxaan ugu baaqayaa Madaxwayne Cali Guudlaawe sida saaxibadiisa Madaxwayne Ahmed Qoor Qoor iyo Madaxwayne Cabdicadiis Laftagareen in uu isku howlo u diyaar garowga doorashada uu heshiiskeeda wax ka saxiixay oo aannu ku mashquulin doorasho xiligeedii dhamaaday abuuraysana Qilaaf iyo iska hor imaad beelaha Nabada ku wadanool”.

ISHA-SB-MEDIA. MUQDISHO/SOMALIA.


Previous
Previous

CIIDAMADA DALKA BURUNDI OO LOO KORDHIYEY WAQTIGA,SABABTA?

Next
Next

WASIIR DA’UD AWEYS OO SHIR KA FURAY MUQDISHO.