MUCAARADKA IYO DFS OO IS MARI WAA KA DHEX TAAGAN YAHAY.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH OO LA KULMAYA MUCAARADKA.

(MUQDISHO)-Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo Mucaaradka la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ilaa hadda yeeshay laba kulan waxa eyn mar kale ku balameen iney kulmaan labaatanka bishaan Luuliyo-20/7/25. Mucaaradka lama soo laaban niyad wanaagii ey ku tageen shirkii dhacay seddexdii bishaan Luuliyo sida laga soo xigtay qaar iyaga ka mid ah,waxayna sheegeen arrinta uu muranka badan ka taagan yahay iney tahay wax ka bedelka ey DFS ku sameysay Afarta Cutub ee ugu horeyso Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa halka ey Mucaaradku diindan yihiin, waane meesha kaliyah ey isku waafaqsan yihiin Mucaaradka iyo Dawalad Goboleedyadda ka maqan Golaha Wadatashiga Qaranka Kulanadooda ee kala ah Puntland iyo Jubaland, ma ahan in Mucaaradku diidan yahay guud ahaan wax ka bedelka lagu sameeyey afarta Cutub ee ugu horeyso Dastuurka ee waa qodob ka mid ah,balse waxaa jira laba qodob ey isku aragti ka wada yihiin Mucaaradka DFS iyo Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud,waxa eyna kala yihiin: (1)-Inaan loo laaban Doorasho dadban,MW-Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo Mucaaradka waxa ey isku aragti ka wada yihiin inaan loo laaban karin nuucii Doorashadii dhacday 2022-kii iyadoo silicii ba’anaa ey xilligaas geysteen Madaxda Maamul Goboleedyadda uu saameeyey cid walba oo dan ka leheed Doorashada Soomaaliya xitaa Beesha Caalamka ayaan ogoleyn in Doorasho Nuucaas ah loo laabto. (2)-Inaan awood dambe la siinin Madaxda Dawlad goboleedyadda,mana jiro qodob dastuuri ah oo Madaxda Dawlad Goboleedyadda awood u siinaaya iney soo xulaan Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS ama ey xitaa saameyn ku yeeshaan. Mawaxdweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa sannadkii 2016-kii si khaldan u siiyey awood ey xaq ugu leeyihiin Madaxda Dawlad Goboleedyadda,haatan Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo Mucaaradka waxa ey isku raacsan yihiin inaan mar kale Madaxda Dawlad goboleedyadda la siin fursad ey ku maamuli karaan kuraasta Golaha Shacabka. Qodobka aan inteyna badan ognahay lagana yaabo in Mucaaradda iyo Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ey ku kala tagaan waa nuuca DOORASHADA MADAXWEYNAHA. Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya oo ah midkii lagu soo doortay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud waxa uu dhigayaa in Xildhibaanadda lagu soo xulo qaab Qabiil ka dibne ey doortaan Madaxweynaha. Madaweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud waa uu bedelay Qodobkaas,oo Cutubka 4-aad,Qodobkiisa 49-aad Xarafkiisa(B) ee dastuurka Cusub waxa uu leeyahay Shacabka ayaa si toos ah waxa ey u soo dooranayaan Madaxweynaha waxa uu isna magacaabayaa Reysal Wasaaraha,kaaso uu xilka ka qaadi karo xilliga uu doono. Mucaaradka ayaa raba in Doorshada Madaxweynaha noqoto mid ey Xildhibaanadu doortaan sideey horay u ahaan jirtay, waayo Mucaaradku waxa ey aaminsan yihiin iney taasi iyaga u sahli karto iney Xildhibaanada si gaar ah ula heshiiyaan ka dib marka ey kuraasta soo qaataan,halka Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu rabo in Madaxweynaha ey soo doortaan shacabka. Waa Qodobkaan kan laga yaabo in lagu kala tago haddii aanuu dhinaca Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud uusan la imaanin tanaasul, Qodobkaan waa midka kaliyah ey haatan isku mawqif ka wada yihiin Mucaaradka iyo Hogaamiyeyaasha labada Dawlad Goboleed ee Puntland iyo Jubland,dhinaca kale, labadaan Dawlad Goboleed Puntland iyo Jubaland ayaa isku aragti ka ahayn arrimaha qaarkood. Shirka soo socda ee dhici doonaa 20-ka bishaan Luuliyo,haddii qodobkaan dhinac loo ridi waayo waxaa loo badinayaa in wada hadaladda u dhexeeyo Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ey halkaasi ku burburaan,haddiise Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud aqbalo in Madaxweynaha uu soo doorto Baarlamaanka,Mucaaradkuna waxa uu aqbali doonaa in Xildhibaanada ku yimaadiin Doorasho toos ah oo ah QOF IYO COD ah, waayo waxaan jirin farqi muuqda oo u dhexeeya in Xildhibaanada ey soo qoraan Madaxda Dawlad Goboleedyadda iyo iney soo qorto DFS.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WASIIR DA’UD AWEYS OO SHIR KA FURAY MUQDISHO.

Next
Next

KOOXDA ALSHABAAB OO LOOGU AWOOD SHEEGTAY GUMARRE.