KOOXDA ALSHABAAB OO LOOGU AWOOD SHEEGTAY GUMARRE.

(SAWIRKA)-DEGAANKA GUMARRE.

(HIIRAAN)-Tan iyo markii ey kooxda ALshabaab ey dib ula wareegtay degaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeeladda dhexe ee DG H/Shabeelle waxaa culeys aad u weyn uu soo fuulay dadka degan degaanadda Xuduuda leh G/Shabeelladda Dhexe waxaa halkaasi ka bilaabatay in si fiican la isu fara saaro dhawrkii bilood ee la soo dhaafay. Xoogaga Macaawiisleyd reer Hiiraan ayaa la soo sheegayaa in Deegaanka Gumarre ey gudaha u galeen iyagoo kaashanaya Ciidamadda xoogga dalka Soomaaliya. Cismaan Guure oo ah Taliyaha Ciidamadda dadka deegaanka ee Macawiisleyda aagga degmadda Moqokori, ayaa sheegay iney haatan ku sugan yahay meel u dhaxeysa deegaanadda Xagare iyo Gumare islamarkaana uu halkaas weli ka soconaya dagaal xooggan oo ka dhan ah Argagixisadda Maleeshiyadda Kooxda AS Dhanka kale, Dagaalka ayaa waxa uu haatan ka soconayaa meel u dhaxeysa deegaanadda Xagare iyo Gumare, ka dib markii Argagixisadda Maleeshiyadda Kooxda AS laga saaray deegaanka Gumare oo dhowr maalmood ka hor ey la wareegeen. Dagaalka hadda ka socdo dhulka u dhexeeyo Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa ah mid ey ka dambeyso Siyaasad taaso loola dan leeyahay in looga hortago in degaanadaasi eysan dhicin wax Doorasho Qof iyo Cod ah ey wadato DFS. Dhinaca kale, Taliyaha Guutada 27-aad ee Qeybta 21-aad ee Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed G/Le.Saalim Cumar Axmed oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ee SNTV ayaa sheegay in dagaalka maanta ey ku dileen ilaa 15-Khawaarij isla markaasne ey gubeen hal gaari oo nuuca dagaalka,sida uu sheegay Taliye Saalim, kooxda Alshabaab ayaa soo weeraratay saldhiga ey leeyhiin CXDS waane la iska caabiyey,waxaane loo geystay jab aad u xun,waxaane lagala wareegay degaanka Gumare, dagaalkuna weli waa uu socdaa sida uu sheegay Taliye Saalim.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

MUCAARADKA IYO DFS OO IS MARI WAA KA DHEX TAAGAN YAHAY.

Next
Next

CIIDAMO KA SOCDO PUNTLAND OO WEERARAY CEELBUH.