CIIDAMO KA SOCDO PUNTLAND OO WEERARAY CEELBUH.

(SAWIRKA)-GUD.HORE BAARLAMAANKA PL.

(SANAAG)-Wararka laga helayo Gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay halkaasi ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo olole lagu doonayo in degaanada Sanaag ay ku biiraan maamulka SSC-Khaatumo. Howshan waxaa hoggaaminaya Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu taageero ka heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaase si weyn uga horjeeda maamulka Siciid C/llaahi Deni ee Puntland. Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay taageereyso Qorshaha ay Sanaag iyo Highland ku doonayaan inay ku biiraan Maamulka Khaatumo, si loogu aqoonsano maamul buuxa sida uu muujinaya qorshe ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda FS oo isla maanta magacawday Guddi farsamo oo qaabilsan dhameystirka maamul dhiska Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo. Puntland ayaa dhinceeda ku eedeysay Dowladda Federaalka inay ciidamo taabacsan ka qoratay degaanada Gobolka Sanaag, ayna dooneyso inay colaad ka huriyaan, kana shaqeeyaan danaha doorashda ee Xasan Sheekh,balse eeda Puntland lana socdaan wax cadeeymo ah oo muujinaaya in DFS ey halkaasi geysay Ciidamo. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Xiisadu gaartay halkii ugu sareeyay saaka, markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo ciidamo badan oo uu wato ay xoog ku tageen degaanka Ceelbuh oo la filayo inuu ka furmo Shirweynaha Beesha Warsangeli ee lagu go’aaminayo ku biirista Khaatumo. Maleeshiyo taabacsan Siciid Deni ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen iney jidgooyo u dhigaan Kolonyada galbineysa Cabdirashiid Yuusuf, taasoo dhalisay dhaawacay qof dumar ah. Maamulka Puntland ayaa looga digay inuu carqaladeeyo shirka Ceelbuh. Iyadoo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf uu hadda ku sugan degaanka Ceelbuh, isla markaana uu wato ciidamo xoog leh ayaa dhinaca kale waxaa abaabul kale ka wada siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Sanaag ee xilalka ka haya maamulka Puntland oo dhinacooda bilaabay abaabul ciidan. Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maamulka Siciid Deni horey uga guuleysatay Arrinta Khaatumo, wuxuuna maamulkaasi si buuxda hadda u taageeraa qorshaha dowladda Federaalka. Dhinaca kale Xasan Sheekh iyo Siciid Deni ayaa xilligan ku dagaalamaya halkii ay raaci lahayd Beesha Sanaag ee Maakhir, taasoo haddii lagu guuleysto inay raacdo SSC-Khaatumo ka dhigi doonto Puntland maamul dhaawacan degaan ahaan, awoodiisa siyaasadeedna hoos u dhacdo. Hogaamiyaha SSC-khaatumo C/qaadir Firdhiye ayaa dhawaan sheegay in maamulkiisa uu doonayo in uu mideeyo dadka ku nool gobolka Sanaag, si ay Khaatumo ula dhistaan maamul wadajir ah oo ka dhaxeeya. Afhayeenka Maamulka Maakhrir Md.Mukhtaar Xamuurad ayaa ka hadlay wixii ka dhacay Ceelbuh,waax uuna eed adag u jeediyey DG Puntland oo uu sheegay ineysan dooneyn in Maakhir noqoto maamul iyaga la mid ah kana madax banaan Puntland iyo Somaliland.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

KOOXDA ALSHABAAB OO LOOGU AWOOD SHEEGTAY GUMARRE.

Next
Next

(AUSTRALIA): WEERAR LAGU QAADAY MACBAD ISRA’IIL LEEDAHAY.