WASIIR CALI BALCAD OO KA HADLAY SHIRKA AU-PSC EE ADDIS.
(SAWIRKA)-WASIIR CALI BALCAD.
(MUQDISHO)-Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane. Xildhibaan Cali Maxamed Cumar, ayaa maanta ka qayb-galay shir-madaxeedka Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ee (AU-PSC) oo ahaa shir heer Wasiir ah oo diiradda lagu saaray xaaladda Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiirul Dowlaha wuxuu muujiyay sida ey Soomaaliya uga xuntahay geerida shan askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho 2-dii Luulyo. Wuxuu tacsi u diray qoysaskii ey ka geeriyoodeen, Dowladda Uganda, iyo dhammaan qoyska AUSSOM. Mudane. Xildhibaan Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya ey uga mahadcelineyso ciidamada iyo dalalka ka howlgala Booliska Soomaaliya oo muddo dheer la garab taagnaa dadaallada xasilinta dalka. Waxa uu qiray naf-hurnimadooda, kuwaasoo ka qayb qaatay soo kabashada goobaha muhiimka ah, soo celinta adeegyadii muhiimka ahaa, iyo dib u dhiska Hay’adaha Qaranka. Wasiirul Dowlaha ayaa ku nuux nuuxsaday in AUSSOM ey matasho howlgal ey Soomaali leedahay oo Afrikaan ah oo la jaan qaadaya mudnaanta Amniga Qaranka Soomaaliya. Waxa uu iftiimiyay sida ey diiradda u saarayso ilaalinta xarumaha dadweynaha, sugidda kaabayaasha muhiimka ah, iyo ka jawaabidda deg dega ah ee khataraha soo ifbaxaya iyadoo lala kaashanayo ciidammada ammaanka ee Soomaaliya. Wuxuu xusay in laga bilaabo 1da Luulyo 2025, AUSSOM ey awood u leedahay iney hawlgeliso (11,911) shaqaale ah oo hoos yimaada AU-PSC mandate. Si loo taageero waxtarka hawl-galka muddada fog, Wasiirul-dawlaha waxa uu ku baaqay in la qabto Shirka Maalgelinta ee AUSSOM kaasoo looga gol leeyahay in lagu dhiso habab maalgelineed oo waara iyo xaqiijinta maamul maaliyadeed oo hufan. Wuxuu soo jeediyay in shirka uu martigelin karo saaxiib diyaar u ah oo ka socda Gobolka Khaliijka. Gabagabadii, Mudane. Xildhibaan Cali Cumar ayaa ku booriyay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika iney xoojiyaan tabarucaadka dhaqaale ee loo maro Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika. Wuxuu carabka ku adkeeyay in lahaanshaha weyn ee Afrika ey lagama maarmaan u tahay soo jiidashada taageerada caalamiga ah iyo xaqiijinta guusha joogtada ah ee AUSSOM, oo uu ku tilmaamay inuu yahay howlgalka taageerada nabadda ugu ballaaran uguna muhiimsan ee Qaaradda. Wasiirul dowlaha ayaa xaqiijiyay sida ey Soomaaliya uga go’an tahay mustaqbalka nabad, xasillooni, iyo isku filnaansho iyadoo loo marayo iskaashi adag oo salka ku haya mas’uuliyadda la wadaago.
ISHA-SONNA.