DFS IYO MUCAARADKEEDA OO IS MARI WAAYEY MAANTA.SABABTA?

(SAWIRKA)-KUANKI MUCAARADKA IYO DFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in maanta oo khamiis ah kuna beegan 3/7/2025-ka uu qabsoomay kulankii ey u balansanaayeen Madaxweynaha Dwaladda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya ey ku mideysan yihiin Mucaaradka DFS ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee KMG Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulanka maanta ayuu Madaxweynuhu ku qaabilay masuuliyiin sare oo horey xilal uga soo qabtay dalka, eyna ka mid yihiin Madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Reysal Wasaarayaal hore Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Kheyre iyo Cumara C/rashiid, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isl markaasne soo noqday Madaxweynihii Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md.Shariif Xasan Sheekh Aden,iyo masuuliyiin kale. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Ajandayaashii horay loogu heshiiyay, oo ey ugu waa-weyn yihiin:

(1)-Dhammaystirka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka

(2)-Hirgelinta doorashooyin toos ah oo ku saleysan hal Qof iyo hal Cod.

(3)-Iskaashiga lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sugidda amniga qaranka. (4)-Midnimadda Qaranka.

Waxaane dood adag la iskuna mari waayey laga yeeshay arrimaha Doorashooyinka iyo di u eegista Dastuurka, kuwaasoo ah labada qodob ee ugu miisaanka culus ee madasha lagu falanqeynayo. Kulamadan isdaba-jooga ah ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ey ku dooneyso in lagu gaaro is-afgarad qaran oo ku saabsan mustaqbalka hannaanka Siyaasadeed iyo Amni ee dalka, iyadoo la rajeynayo in wadatashiyadan ey horseedaan Midnimo Siyaasadeed iyo Xasillooni waarta. Afhayeenka Madasha Samatabixinta Md.Daahir Geelle oo warbaahinta madaxa banaan kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay iney isa soo arkeen labada Dawlad Goboleed ee kala ah Puntland iyo Jubaland,wixii ey kala soo kulmeena ey gudbiyeen Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamud,gaar ahaan Dawlad Goboleedka Jubaland ayuu xusay afhayeenka ka maqnaashaha kulanada u dhexeeyo DFS iyo Dawlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS. Afhayeenka ayaa sheegay iney Madaxweynaha kala hadleen cunaqabateynta saaran Jubaland ee kala ah Duulista iyo Deeqaha Beesha Caalamku bixiso balse aan laga siin jawaab waafi ah ey ku qanci karaan. Afhayenka ayaa carabkiisa ku dhuftay in leysku afgaran kari waayey Qodobadda Dastuurka wax ka bedelkiisa iyo Doorashooyinka Qaranka,waxa uuna sheegay in DFS ey dib isugu soo laaban doonaan ka dib marka ey soo sameeyaan wadatashiyo ku aadan Qodobadaas la isku mari waayey maanta taariikhdu marka ey tahay 20/7/2025-ka. Kulanka ka dib DFS ayaa waxa ey soo saartay War Saxaafadeed ey kaga hadashay wixii la isla gaaray maanta,waxa eyna xustay in shirka uu ku qabsoomay jawi aad u wanaagsan.

HALKAAN KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA DFS.

ISHA-SB-MEDIA

Previous
Previous

WASIIR CALI BALCAD OO KA HADLAY SHIRKA AU-PSC EE ADDIS.

Next
Next

AFHAYEENKA XUKUUMADDA DANQARAN OO KA SOO MUUQDAY…