REYSAL WASAARAHA ITOOBIYA OO KU DHAWAAQAY INUU DHAMMAADAY…

(SAWIRKA)-RW-ABIY.

(ADDIS ABABA)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Khamiista maanta ah baarlamaanka kaga dhawaaqay in dhismaha biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) uu hadda si rasmi ah u dhammaaday, taasoo waddada u xaareysa furitaanka tallaabo ey u badan tahay iney dib u soo nooleyso xiisadda Masar iyo Suudaan ee ku aaddan xuquuqda biyaha Niilka. "Dhamaysku ma aha khatar, balse waa fursad la wadaago," ayuu yiri Abiy, isaga oo ku dhawaaqaya hadal heshiin ah isaga oo ku adkaysanaya in hamiga Itoobiya aanu ku imanayn dhibaatada deriskeeda dhaw. Mashruucan oo dhan $4.2 bilyan oo inta badan iskaa wax u qabso ah tan iyo markii la bilaabay dhismihiisa sannadkii-2011 waxa uu ahaa mid muddo dheer soo ifbaxa diblumaasiyadeed ee webiga Niil. GERD waxa ey diyaar u tahay iney dhaliso in ka badan 6,000 Megawatts oo koronto ah, taasoo ka dhigaysa mashruuca ugu wayn ee korontadda Afrika iyo tiirka tamarta iyo ajendaha horumarinta Itoobiya. Abiy ayaa ku tilmaamay dhammaystirka “Astaanta iskaashiga gobolka iyo faa’iidada wadaagga ah,” isagoo ku casuumay Masar, Suudaan, iyo dalalka kale ee webiga Niilka iney ku soo biiraan Addis Ababa si ey u xusaan munaasabadda taariikhiga ah.

MASAR IYO SUUDAAN WELI AAD BEY LIITAAN.

Masar, oo ku tiirsan Webiga Niil in ka badan 90 boqolkiiba biyaheeda, ayaa si isdaba joog ah uga digtay in GERD ey yarayn karto qulqulka biyaha muhiimka ah.

ISHA-EV.

Next
Next

WASIIR CALI BALCAD OO KA HADLAY SHIRKA AU-PSC EE ADDIS.