TURKIGA OO QABTAY NINKII UGU QATARSANAAY SWEDEN DHINACA DAROOGADA.

(SAWIRKA)-ISMACIL CABDO.

(SWEDEN)-Madaxa mid ka mid ah Ururada Dembiyada waa-weyn ee Sweden, oo lagu eedeeyay inuu abaabulay fal dambiyeedka rabshadaha badan, ayaa lagu xiray dalka Turkiga, sida uu sheegay booliska Sweden Jimcah maanta ah. Booliisku ma sheegin magaca ninkan balse warbaahinta Sweden ayaa magaciisa ku sheegtay Ismaaciil Cabdo oo 35 jir ah, waana Madaxa Ururka Dembiyada ee Rumba, waxaana lagu eedeeyay inuu howlo ka soo abaabulay dibadda.Cabdo waa mid ka mid ah dambiilayaasha loogu doonista badan yahay Sweden, waxaana laga soo qaatay waaran qabasho caalami ah tan iyo 2024-kii. Dalka Scandinavianka, oo hore loogu yiqiin heerka dambiyada hooseeya, ayaa sannado badan la halgamayay sidii uu u xajin lahaa dembiyada abaabulan. Shabakadda dambiyada ayaa ku lug leh ka Ganacsiga Daroogada iyo Hubka, Musuqmaasuqa Daryeelka, iyo Toogashada iyo Qaraxyada joogtada ah ee dalka ragaadiyay sanadihii ugu dambeeyay. Shabakadaha ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa iney soo galeen Waaxda Daryeelka, Siyaasada Deegaanka, Sharciga iyo Waxbarashada iyo sidoo kale Daryeelka Xabsiyada ee Dhalinyarada. Booliska ayaa sheegay in hogaamiyayaasha shabakadaha dambiilayaasha ey si isa soo taraysa uga hawlgalaan dibadda, iyaga oo dilalka iyo weerarada ka soo abaabula baraha bulshada inta badana askareeya caruurta da'doodu ka yar tahay da'da dambiyada si ey u fuliyaan weerarada. Cabdo ayaa mar hogaaminayay shabakada dambiyada Foxtrot isaga iyo Rawa Majid oo ah dambiilaha kale ee Sweden ee loogu doonista badan yahay waxaana labada nin looga shakisan yahay iney gacanta ku hayeen qaybo badan oo ka mid ah Suuqa Maandooriyaha Sweden. Laakin labada qof ayaa isku dhacay 2023-kii, waxaana mowjado naxariis darro ah, rabshado sii kordhaya ey ka dhasheen markii Cabdo Hooyadiis la toogtay Sebtembar 2023 iyada oo fal aargoosi ah. Kooxda reer Cabdo ee Rumba ayaa tan iyo markaas waday dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhan ah Majid iyo Foxtrot. Cabdo ayaa lagu xiray weerar ey fuliyeen Ciidamada Ammaanka Turkiga, sida ey booliisku sheegeen. “Howlgal sharci ah oo Turkiga ka dhacay, booliska Turkiga ayaa maanta ku soo qabtay nin Swedish ah oo sanado badan looga shakisan yahay dambiyo la xiriira Daroogada iyo inuu fal-dembiyeedyo rabshado ah ka waday Sweden,” ayaa lagu yiri warbixin ey soo saareen booliiska. "Xiriga ayaa ka dhashay shaqo la bar tilmaameedsaday oo u dhaxaysay nidaamka Garsoorka Turkiga iyo Iswidhan," Mats Berggren, oo ah Ku-simaha taliye ku Xigeenka Waaxda Hawlgallada Qaranka ee Booliiska Sweden (NOA), ayaa ku yiri bayaanka. Marka loo eego xogta caalamiga ah ee Statista, Iswiidhan waxay gashay kaalinta saddexaad ee tirada dilalka ugu badan ee dilalka ee 100,000 qof oo deggan Yurub 2022, iyadoo ka dambaysa Montenegro iyo Albania. Xog laga helay golaha qaran ee ka hortaga dambiyada ee Sweden ayaa muujinaya in toogashadu ey hoos u dhacday tan iyo sanadkii 2022 kii ugu badnaa balse ey kordheen Qaraxyada.

ISHA-AA.

Next
Next

REYSAL WASAARAHA ITOOBIYA OO KU DHAWAAQAY INUU DHAMMAADAY…