WASIIR CALI BALCAD OO BIXIYEY WAREYSI DHINACYA BADAN TAABANAAYO.
(SAWIRKA)WASIIR CALI BALCAD.
(DOHA)-Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Mareykanka uu wada hadal la leeyahay AL-Shabaab, kaasoo lagu tilmaamay Urur Argagixiso. Cumar oo wareysi siinayay AL-Caraby AL-Jadiid xiili uu booqasho ku jooga dalka Qatar ayuu yiri “Warkaasi gabi ahaanba waa been abuur, waana beenineynaa, Mareykanka sida la wada ogsoon yahay AL-Shabaab waxa uu u aqoonsan yahay Urur Argagixiso, mawqifkiisa ku aadan arrintan waxba iskama bedelin”. Isagoo ka hadlaya jiritaanka dhex dhexaadinta Qatar ee Muqdisho iyo Somaliland, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in gobolka uu ka mid yahay gobollada Soomaaliya, istaraatijiyaddeenna ka dowlad ahaan Soomaaliya ay tahay in aan gudaha ku xallinno dhibaatooyinka naga haysta. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay jirto cid kale oo diyaar u ah inay naga caawiyaan arrintan, waanu soo dhawaynaynaa. Wasiirka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in la soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay dalkiisa iyo Itoobiya ee ku saabsanaa heshiiska ay Somaliland la gashay in la siiyo deked. Dhexdhexaadintii Turkiga waxa ka dhashay heshiis dhex maray labada dal, kaas oo dhigaya in Itoobiya ay aqoonsato Madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay ixtiraamto Madaxbannaanida dhulkeeda. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan sidii dalalka deriska ah ee xubnaha ka ah Midowga Afrika.
* Waxaad hadda soo gabagabaysay booqasho laba maalmood qaadatay oo aad ku tagtay Doha. Maxay ahayd ujeeddada laga lahaa iyo natiijooyinkii muhiimka ahaa?
Xiriirka aan la leenahay Qatar waa mid istiraatiiji ah, booqashooyinka noocaan oo kale ah waa kuwo soo noqnoqda oo ujeedadoodu tahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee labada dal.
* Booqashadan ma la xiriirtaa natiijadii ka soo baxday booqashadii ugu horeysay ee Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro uu ku tagay magaalada Dooxa dhamaadkii bishii hore?
Mar kasta oo aan booqasho ku tagno magaalada Dooxa, waxaan madaxda Qatar kala hadalnaa arrimo kala duwan iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Booqashadan ayaan wax xiriir ah la lahayn socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Dooxa.
* Ma jirtaa tallaabo lagu bilaabayo wada-hadallada ay Qatar dhexdhexaadinayso ee u dhexeeya dawladda Soomaaliya iyo gobolka Somaliland?
Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya, istiraatijiyaddeenna haddaynu nahay dawladda Soomaaliya waxay tahay in aan mushkiladda gudaha ku xalinno. Si kastaba ha ahaatee, haddii cid kale ay doonayso inay gacan naga siiso dhinacan, waanu soo dhawaynaynaa.
* Sannadka soo socda ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo, balse waxaa weli taagan khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mucaaradka oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka, sharciga doorashada iyo wax ka bedelka dastuurka oo la filayo in baarlamaanka uu ansixiyo.
Ma arko wax dhibaato ah ama khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo Mucaaradka. Mar kasta oo loo diyaar garoobayo doorashadu, waxa dhacaysa doodo iyo wada tashi ku saabsan habka doorashada iyo sida loo maamulayo. Dhowr jeer oo hore ayaanu si guul ah u qabanay doorashooyin, waana ku guulaysan doonaa markan. Waxa Soomaaliya ka socda ayaa ah wada hadal degan oo ku saabsan doorashooyinka u dhaxeeya siyaasiyiinta kala duwan ee Soomaalida, waxaana ugu dambeyntii ka gaari doonaa natiijo lagu qanco. Doorashadu waxa ay ku qabsoomaysaa wakhtigeeda.
* Laakin waxa jira farqi ama mushkilad la xiriirta xeerkii doorashada ee ahaa in doorashada Madaxtooyada lagu qabto.
Waxaan xaqiijinayaa inaysan jirin wax dhibaato ah. Balse waxaa socda wada hadal ku saabsan sharciga doorashada, kaas oo ka bedelay qaabkii dadbanaa ee lagu soo dooran jiray Madaxweynaha (oo ay dad tiro yar soo doorteen xildhibaanada baarlamaanka, kuwaas oo iyaguna soo dooranaya Madaxweynaha) oo loo bedelay qaab toos ah oo ay dadku ku dooranayaan Madaxweynaha. Wada-hadallada ku saabsan sharciga ayaa weli socda.
* Ma dareemaysaa taageerada sharciga cusub ee waddada?
Waddadu ma diidana...laakin arrintu waxa ay ku xiran tahay dadka siyaasadda u dhuun daloola oo aan looga baran in ay doorasho toos ah qabtaan. Sharcigan cusub ayaa walaac ku abuuraya iyaga oo ka baqaya in faa’iidooyinkooda la waayo. Si kastaba ha ahaatee, ugu dambeyntii, arrintu waxay u taagan tahay wada-hadal iyo wada-hadal, waxaana shaki la'aan ah waddadu inay rabto inay codkeeda ku bixiso doorashada oo ay doortaan cidda matali doonta.
* Baarlamaanka ayaa dib u dhac ku yimid ansixinta wax ka bedelka dastuurka. Ma ku guulaysan doontaa in la ansixiyo ka hor doorashooyinka soo socda?
Soomaaliya waxa ay ku socotaa wadadii dib u soo kabashada, dalka si uu u soo kabsado waxa ay qaadanaysaa wakhti dheer in la xoojiyo isku xirnaanta gudaha,ilaalinta guulaha laga gaaray,iyo adkaynta dawladnimada dimuqraadiga ah. Dastuurka Soomaaliya ee hadda jira waxaa loo ansixiyay si ku meel gaar ah sanadkii 2012. Waxa uu Baarlamaanka ka doodayo ma ahan wax ka bedel dhameystiran oo lagu sameeyay dastuurka, balse waa wax ka bedel lagu sameeyay qaar ka mid ah qodobada iyo cutubyada. Soomaaliya waa nidaam federaal ah, waana in la tixgaliyo aragtida gobollada ay ka kooban yihiin dowladda federaalka ka hor inta aan la gaarin Baarlamaanka, waana in la tixgaliyo fikradda wax ka bedelka dastuurka. Baarlamaanka ayaa ansixiyay afar cutub oo ka mid ah dastuurka, waxaana ka haray 11 cutub. Waxa socda doodo wax lagaga beddelayo maqaallada iyo qodobbada cutubyadan. Waxaan filaynaa in aan dhamaystirno ansixinta dastuurka joogtada ah dhammaadka sanadkan.
* In la helo amni iyo xasillooni ayaa weli Soomaaliya caqabad weyn ku ah, AL-shabaab ayaa weli qaraxyo ka geysta magaalooyinka kala duwan ee Soomaaliya. Sidee caqabadan wax looga qaban karaa?
AL-Shabaab ayaa ifafaale u ah in ay bilaabeen in ay sii yaraanayaan oo ay sii wiiqmaan, waxaana dowladda Soomaaliya ay bilowday in ay gacanta ku dhigto guud ahaan dhulka qaranka. Waxaynu nahay dal ka shaqaynaya sidii loo dhisi lahaa hay’ado amni, dhaqaale iyo adeeg, waana hawl weyn oo u baahan taageero beesha caalamka, taasoo aan sidii la filayey u hirgelin. Si kastaba arrintu ha ahaatee, saaxiibadayada ayaa na garab taagan oo nagu taageeraya sidii aan u gaari lahayn amni iyo xasillooni, waxaana rajeyneynaa in taas lagu guuleysto dhawaan.
* Waxaa jira xog ku saabsan wadahadal Mareykanka uu la galay AL-Shabaab. Haddii ay taasi dhacdo, waa maxay mawqifkaaga ku aaddan wada-hadalladan?
Warkani gabi ahaanba waa been abuur, si cadna waanu u beeninaynaa. Mareykanka, ayaa sida la wada ogsoon yahay Al-Shabaab u aqoonsaday Urur Argagixiso, mana jiro weli mowqifka uu ka qaatay arrintan.
* Xagga dawladda Soomaaliya, khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya miyuu dhammaaday ka dib dhexdhexaadintii Turkiga? Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii ay Itoobiya heshiis la gashay gobolka aan caalamku aqoonsanayn ee Somaliland, kaas oo dhigaya in Itoobiya ay hesho marin badeed u sahlaysa inay ka dhisato deked iyo saldhig ciidan si ay Somaliland ugu aqoonsato dal Madax-banaan?
Khilaafkaasi waa uu dhamaaday, waxaana uga mahadcelineynaa dowladda Turkiga dhexdhexaadinta. Wadahadalladan ayaa ahaa kuwo miro dhal ah oo guulo laga gaaray, waxayna labada dal ku heshiiyeen in Itoobiya ay aqoonsato Madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ay ixtiraamto midnimada geyiga Soomaaliyeed, ayna iska kaashadaan sidii laba dal oo deris ah oo xiriir la leh Midowga Afrika. Heshiisku wuxuu u ogolaanayaa Itoobiya inay u isticmaasho dekedaha Soomaaliya ee ku yaal badda cas haddii ay rabto arrimo ganacsi, waxaana lagu maamulaa laguna nidaamiyaa shuruucda caalamiga ah. Waxaan xaqiijinayaa in la soo afjaray khilaafkii ku saabsanaa arrintan labada dal.
WARAYSIGA WAXAA TARJUMAY,QAABEEYEY SAXAY BAHDA SUUQBACAAD MEDIA EE MUQDISHO.