HAWLGALKA AUSSOM OO YEESHAY MADAX CUSUB,MAXAA IS BEDELAY?
(SAWIRKA)-WASIIR MURSAL IYO MADAXA CUSUB EE AUSSOM.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaay in Danjire El Hadji Ibrahima Boly Diene uu shalay yimid magaaladda Muqdisho si uu si rasmi ah u billaabo xilkiisa cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Danjire Elhadji Ibrahima waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo AUSSOM. Mas’uuliyiintii goobjoogga ahayd waxaa ka mid ahaa Ku Xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Isaaq Maxamuud Mursal (Fanax), Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Mouktar Osman Karie, Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma, Ku Simaha Taliyaha Booliska ACP Samuel Osiedu Okanta, iyo Madaxa Ilaalinta, Xuquuqda Aadanaha iyo Qaybta Jinsiga, Dr Cumar Calasow. Ka dib imaanshihiisa, Danjire Diene ayaa u sii gudbay Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AUSSOM ee Muqdisho halkaasoo uu kula kulmay Hoggaanka Sare ee AUSSOM, isagoo sidoo kale kormeeray Xarumaha Hawlgalka.Danjire Ibrahima waxa uu doorkan u keenayaa khibrad badan,isaga oo soo qabtay jagooyin farsamo,hawleed,iyo kuwa Istaraatiijiyadeed oo kala duwangudaha iyo dibadda dalka uu ka soo jeedo ee Senigal. Waaya-aragnimadiisa balaaran waxa ey dabooshay colaadaha iyo goobaha qalalaasaha ee Galbeedka,Bartamaha iyo Bariga Afrika oo ey ku jiraan ka qeybgalka firfircoon ee hawlgaladda Nabad Ilaalinta ee Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo(DRC),Suuriya iyo Maali laakinsidoo kale hawlgaladda Siyaasadeed ee gaarka ah sida UNOCA. Danjire Elhadji Ibrahima waxa uu haystaa dhawr Shahaado oo Masar iyo Diblooma ah kuwaaso u saabsan Daraasaadka Ciidanka,Cilmiga Siyaasadda,Diyaaradaha iyo maamulka Barnaaijyadda. Dhinaca kale,Danjire Mukhtaar Cismaan Karie,ayaa la wareegay xilka Ku-Xigeebka cusub ee Ergayga Gaarka ah e Gudoomiyaha Midawga Afrika ee soomaaliya(DRCC) iyo Ku-Xigeenka Madaxa Hawlgalka Taageeradda iyo Casillinta Midawga Afrika ee Soomaaliya loona yaqaano (AUSSOM) isagoo xoojinaayo Joogitaanka Higaanka Midawga Afrika ee Soomaaliya.
ISHA-WAKAALADO.