TAHIIBE AYAA KU DHINTAY KANAALKA U DHEXEEYO FARANSIISKA IYO UK.
(SAWIRKA)-DOOMAHA LOOGA TAHRIIBO FARANSIISKA.
(PARIS)-Nin ayaa u dhintay sida la sheegay ka dib markii wadnuhu istaagay isaga oo isku dayaya inuu doon yar ku tago UK, sida ey sheegeen mas’uuliyiinta Faransiiska. Dhanka kale warar aan la xiriirin ayaa sheegaya in qof tahriibaha ah lagu toogtay xero u dhow Xeebaha Faransiiska, iyadoo ey sare u kacday xiisadaha laga soo sheegayo xeryaha. Doonta uu ninkan ku dhintay ayaa subaxnimadii Sabtida ka soo baxday Xeebta waqooyi ee Faransiiska balse wax yar ka dib ayey u laabatay. Ma cadda in dhimashada ninkaasi ey ku kaliftay iney dib u soo laabato doonta.
Maamul-hoosaadka Waaxda Pas-de-Calais ayaa Wakaaladda Wararka ee Press Association (PA) u sheegay in ninka laga helay markabka isagoo xaalad wadnuhu istaagay markii ey soo laabatay doontii laga dejiyey. Gurmadka deg dega ah ee goobta ka dhacay ayaa ka hor istaagi waayay in ninkaasi uu ku dhinto wax yar ka dib xeebta u dhow magaalada xeebta ku taal ee Boulogne-sur-Mer. Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in kalkaaliye caafimaad ey isku dayday iney ninkan badbaadiso naftiisa markeey doontu soo gaartay xeebta, si kastaba ha ahaatee isku daygan ayaa ugu danbayntii lagu guul daraystay. Waxaa dhanka kale la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sida dhabta ah ee uu ninkaasi u dhintay, mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay. Geerida ninkan wadnuhu istaagay ayaa wadarta guud ee dhimashada dadka muhaajiriinta ah ee ku dhintay isku dayga ey ku doonayeen iney ku gaaraan UK ka dhigaysa 18 tan iyo bilowgii sanadkan, sida lagu sheegay xogta ey bixisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska.
INGIRIISKA OO WAJAHAYA HEERAR IMAANSHO AAN HORAY LOO ARAG:
Isla maalintaas dhinaca Ingiriiska ee Channel-ka Ingiriiska, doon badbaado oo ey maamusho Hay’adda Royal National Lifeboat Institution (RNLI) ayaa soo qaaday oo raacday koox tahriibayaal ah si ey u badbaadiyaan ka dib markii ey ka soo gudbeen marinka mashquulka badan ee maraakiibta. Muhaajiriinta ayaa la arkayay iyagoo isku duuban bustayaal iyo jaakado liimi ah oo saarnaa doonida RNLI ka hor inta aan loo qaadin Dekedda Dover ee Kent. Sida laga soo xigtay tirooyinka ey bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee UK, ku dhawaad 24,000 oo qof ayaa ku yimid UK iyagoo wata doomo yar yar illaa iyo hadda 2025, taasoo dhigaysa rikoor cusub. Saraakiisha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si dhow uga shaqaynayay sidii ey dadka wax tahriibin lahaa ey ugu guulaysan lahaayeen iney dadka ka soo qaadaan qaaradda Yurub ee la geeyo UK.
TOOGASHO DHIMASHO LEH OO KA DHACDAY AGAGAARKA DUNKIRK:
Dhanka kale, dhacdo kale oo aan la xiriirin oo ku lug leh soo galooti ayaa sidoo kale ka dhacday Xeebta Waqooyi ee Faransiiska. Nin muhaajiriin ah ayaa lagu toogtay oo lagu dilay xero loo yaqaan Loon Plage oo u dhow Grand-Synthe, oo ku taal meel u dhow magaalada Dunkirk. Wararka deegaanka ayaa sheegaya in ninka dhuntay ey da’diisu dhammeed sodonka jir,waxaane ugu yaraan lagu dhuftay toddobo xabadood labaatankii xabadood ee laga soo tuuray qoriga. Adeegyada deg-dega ah ayaa awoodi waayay iney badbaadiyaan naftiisa, sida laga soo xigtay warbixinnada Wargeyska maxalliga ah ee La Voix Du Nord . Waxaa sii kordhayay xiisada u dhaxeysa kooxaha soo galootiga ah ee kala duwan ee aaggaas, kuwaasoo inta badan ka badbaaday iney ku noolaadaan xeryo iyaga oo sugaya safarro aan caadi ahayn oo ey ku tagayaan UK. Toogashada ayaa si gaar ah u kordhay bilihii la soo dhaafay, Bishii June, israsaasayn ayaa sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca shan.
ISHA-IM