RW-XAMSE OO QAABILAY MADAXA CUSU EE HAWLGALKA MIDAWGA AFRIKA EE AUSSOM.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO DANJIRE ELHADJI.

(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Mouktar Ousman Karie. Raysasul Wasaare Xamsa, ayaa soo dhowayn ka dib, Danjiraha la wadaagay hawlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo xusay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray la-dagaallanka Argagixisada, waxaana uu ka mahadceliyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM. Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay Mudane Hadji Ibrahima, oo ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Raysal Wasaaraha, ayaa bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go'an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka. Dhinaca kale,Raysal Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa ka qeybgalay munaasabada saxiixa iskaashi dhexmaraya Hey’adda Save the Children iyo Shirkadda Hormuud. Raysal Wasaare Ku-xigeenka oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu kala saxiixday iskaashiga, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, isagoo xusay in iskaashiyada noocan oo kale ah ay yihiin kuwo muhiim u ah horumarinta bulshada, gaar ahaan badbaadinta mustaqbalka caruurta Soomaaliyeed. Raysal Wasaare Ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Cabdi, ayaa carab ku dhuftay inay Xukuumadda DanQaran dhiirigalin iyo garabistaag ay u muujiso Iskaashiga shirkadaha maxaliga ah iyo Hey’adaha Caalamiga, iyada oo lagu saleynayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO GAARAY DEG.XUDUR.

Next
Next

WASIIR CALI BALCAD OO BIXIYEY WAREYSI DHINACYA BADAN TAABANAAYO.