WASIIR AL-CADAALA OO LA KULMAY DUQA MAGAALADDA MINNEAPOLIS.

(SAWIRKA)-AL-CADAALA IYO FREY.

(MINNEAPOLIS/USA)-Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf AL-Cadaala, ayaa maanta kulan rasmi ah la yeeshay Duqa Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka Mudane Jacob Frey. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulka magaalada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed, iyo ka wada hadalka arrimaha horumarinta dhaqanka, dalxiiska, bulshada, iyo dhaqaalaha. Intii uu kulanku socday, Duqa magaaladda Minneapolis ayaa Wasiirka uga warbixiyey xaaladda guud ee magaalada, adeegyada bulshada, iyo sida bulshada Soomaaliyeed ey door muhiim ah uga ciyaaraan horumarinta magaalooyinka iyo dhisidda bulsho isku xiran. Waxa uu sidoo kale ka hadlay barnaamijyada kala duwan ee dowladda hoose ee Minneapolis ku taageerto bulshada Qurbajoogta, gaar ahaan adeegyada Waxbarashada, Caafimaadka, Fursadaha shaqo, iyo Horumarinta dalxiiska. Wasiir AL-Cadaala ayaa uga mahadceliyey Duqa Minneapolis sida sharafta leh ee uu Xafiiskiisa ugu soo dhaweeyey, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo maamulka magaalada. Wasiirku wuxuu tilmaamay in kulankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, islamarkaana lagu horumarinayo fursadaha Dhaqanka, Dalxiiska, iyo adeegyada bulshada ee magaalada Minneapolis iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sida bulshada Soomaaliyeed ey uga qeyb qaadan karto horumarinta Dhaqanka, Dalxiiska, iyo adeegyada bulshada, iyadoo la isku raacay in la sameeyo iskaashi joogto ah oo dhanka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ah.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

IMAARAATKA CARABTA OO SOOMAALIDA KA MAMNUUCAY INEY SOO GALAAN DALKIISA-2026.

Next
Next

MADAXA QAXOOTIGA QARANKA OO NAYROBI KULA KULMAY…