IMAARAATKA CARABTA OO SOOMAALIDA KA MAMNUUCAY INEY SOO GALAAN DALKIISA-2026.

(SAWIRKA)-CALAMADA SOMALIA IYO UAE.

(DUBAI/UAE)-Waxa aan la wada soconaa in Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ey dhaqan gelisay koowdii bishaan Sebtembar-2025 dal ku galka loo yaqaano eVISA,kaaso dadka wata baasboorada Ajnabiga ah ha ahaadeen Soomaali amaba Ajnabi ku waajib yeelaayo iney soo qaataan Visa ka hor inta eysan u soo dhoofin dalka Soomaaliya. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay arrintaan ayaa sheegatay iney tahay mid lagu xoojinaayo Amniga Qaranka loogana hortegaayo Dembiileyaasha isaga kala gudba Xuduudyadda. Hadaba maxaa soo kordhay oo ey tahay in la idinka daba geeyo? Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa lagu soo daray dalalka laga mamnuucay iney soo galaan dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) sannadka-2026-ka,dalka Imaaraatka ayaa Soomaaliya ku daray liiska dalalka aan la siin doonin Viisaha Dalxiiska iyo kan shaqada sannadka soo socdo 2026-ka, sida lagu sheegay wareegto cusub oo ka soo baxday Waaxda Socdaalka ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE). Dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa noqday mid ka mid ah dalal dhawr ah oo laga mamnuucay iney codsadaan Visah dalka Imaaraatka Carabta,iyadoo sida la sheegay xayiraadaan ey tahay mid ku meel gaar ah lagana yaabo in dib u eegis lagu sameeyo mustaqbalka. Wadamadda kale ee iyagan laga mamnuucay in la siiyo Visaha dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa ka mid ah”Afgaanistaan, Yeman, Liibiya, Lubnaan, Bangaaladeesh, Ugandha, Suudaan iyo Kaameruun”. Mamnuucistaan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka Diblomaasiyadeed iyo kan iskaashi una dhexeeyo Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta uu aad u xoogan yahay, waxaane ka mid ah iskaashiga dhinacyada Amniga, Maalgashiga iyo Horumarinta kaabayasha dhaqaalaha. Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa Soomaaliya ka leh dano dhaqaale iyo kuwa Amni iyadoo shirkado laga leeyahay Imaaraatka Carabta maalgelin ku sameeyeen Dekedaha Boosaaso iyo Berbera ee ku kala yaalo Maamuladda Puntland iyo Soomaliland sida ey u kala horeeyaan, waxa eyna Imaaraatku taageero siiyaan Ciidamadda iyo Hayadaha DFS. In kastoo eysan jiri faahfaahin rasmi ah lana xiriirta xayiraadaan lagu soo rogaya Soomaalida, basle ilo wareedyo kala duwan ayaa tilmaamaayo in arrintaan cusub ey la xiriirto dhinaca Amniga gudaha ee dalka Imaaraatka Carabta iyo xasilooni daridda amni iyo siyaasadeed ee ka jirta dalalka laga mamnuucay Imaaraatka iney soo galaan.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

WAFDI CULUS OO MARAYKAN AH OO BOOSASO KULA KULMAY DENI.

Next
Next

WASIIR AL-CADAALA OO LA KULMAY DUQA MAGAALADDA MINNEAPOLIS.