WAFDI CULUS OO MARAYKAN AH OO BOOSASO KULA KULMAY DENI.

(SAWIRKA)-KUANKA MADAXTOOYADA PUNTAND.

(GARAWE/PL)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaasi uu gaaray wafdi culus kana socday dalka Maraykanka, wafdiga ayaa ka koobnaay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ricahrd Riley, Taliyaha Hawlgaladda Gaarka ee Ciidamadda Maraykanka ee Qaaradda Afrika(AFRICOM) S/Gaas.Claude Tudor iyo Taliyaha Hawlgaladda Gaarka ah ee Gobolka Geeska Afrika G/Sare. Bernander. Ujeedada socdaalka Wafdigaan ayaa ahayd muujinta taageeradda xoogan ee loogu talagalay Dawlad Goboleedka Puntland ee dagaalka kula jirta kooxda Aragagixisada DAACISH(ISIS) ee ku dhuumaaleysanaya buuraha Gobolka Bari ee Puntland. Wafdiga Maraykanka ee gaaray magaaladda Boosaaso ee caasimadda u ah Gobolka Bari ayaa halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Siciid C/laahi Deni, waxa eyna labada dhinac ka wada hadleen sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish (ISIS) ee ku sugan buuraleyda G/Bari. War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland laguna faafiyey Baraha Bulshada ayaa u qornaay sidan: Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Ambassador Richard Riley, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Hawlgalka Gaarka ah ee Africa, Major General Claude K. Tudor JR iyo Taliyaha Hawlgalka gaarka ah ee Bariga Africa Col. Benander. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Siyaasadda iyo Horumarinta. Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay la dagaalanka Argagixisada iyadoo Maraykanku ku boggaadiyey Puntland Hawlgalada ciribtirka Argagixisada ee ka socda Puntland, gaar ahaan guulaha laga gaaray Hawlgalka Calmiskaad ka socda. Inta ey socotay qaabilaada wafdigu, Saraakiisha hawlgalka gaarka ah ee Maraykanka ee Africa, ayaa kulan doceed la qaatay Saraakiisha Hawlgalka Hillaac ee ka socda buuralayda Calmiskaad, Kaasi oo maraya meel gebogebo ah oo lagu raadjoogo firxadka Argagixisada Daacish ee ku dhuumanaya meelo kooban oo ka mid ah Calmiskaad. Waxaa xusid mudan in taariikhdu markeey ahayd 13-kii bishaan Sebtembar-2025 degaan u dhaw degmada Badhan ee G/Sanaag lagu dilay Caaqil Cumar C/laahi Cabdi, dilka caaqilka ayaa waxaa fuliyey diyaaradaa aan duuliyaha leheyn ee AFRICOM, waxaane dilka ka hadlay isla Africom oo sheegtay iney iyada fulisay weerarka lagu dilay Caaqilka balse Africom ayaa sheegtay iney dishay nin hubka u soo iibiyo kooxda Argagixisada ALshabaab, waxaane sheegashadaasi Africom gaashaanka ku dhufatay kooxda Argagixisada ALshabaab oo sheegtay in nink la dilay uusan iyaga hubka iibin,arrintaan ayaan weli meel la saarin waxaane la filaa kulanka maanta ka dhacay Boosaaso inuu wax ku soo kordhin doono waqtiyadda soo socdo.

ISHASB-MEDIA.

Previous
Previous

SARKAAL SOOMAALI-MARAYKAN AH OO LA DALACSIIYEY.

Next
Next

IMAARAATKA CARABTA OO SOOMAALIDA KA MAMNUUCAY INEY SOO GALAAN DALKIISA-2026.