SARKAAL SOOMAALI-MARAYKAN AH OO LA DALACSIIYEY.
(SAWIRKA)-LABA ALIFLE FAARAX IYO SAAXIBADIIS.
(COLUBIA HEIGHTS/MN)-Wararka laga helaayo magaaladda Colubia heights ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegayo in Waaxda Booliska Columbia Heights ey ku faraxsan yihiin iney ku dhawaaqaan dallacaadda wanaagsan ee Sarkaal Ibraahim Faarax oo loo dalacsiiyay darajada Laba Alifle. Marxaladdan muhiimka ah ee mihnaddan ayaa ka tarjumaysa dedaalka aan leexleexadka lahayn ee Faarax, hoggaaminta adag, iyo sida ey uga go'an tahay u adeegga bulshada. Laba Alifle Faarax waxa uu si joogto ah u muujiyay dareen qoto dheer oo ku saabsan xilkasnimo iyo hawlkarnimo intii uu joogay Waaxda. Wuxuu ku caan baxay hab-dhaqankiisa deggan, hufnaanta, iyo kartida uu kula xiriiro bulshooyinka kala duwan, wuxuu noqday qof lagu kalsoon yahay gudaha Waaxda iyo xaafadaha uu u adeego. Sarkaal Soomaali-Maraykan ah oo sharci fulinta ah, Faarax waxa uu matalayaa joogitaan muhiim ah oo sii kordheysa ee Amniga Dadweynaha. Dalacsiintiisu kaliya ma aha iney muujiso waxqabadkiisa shakhsi ahaaneed laakiin waxay sidoo kale hoosta ka xariiqday sida ey uga go'an tahay Waaxdu iney kobciso isku-darka iyo matalaadda darajadeeda. Doorkiisa cusub ee Laba Alifle ahaan, Faarax wuxuu sii wadi doonaa inuu taageero hawlgallada roondada, la-talinta saraakiisha da'da yar, iyo xoojinta iskaashiga bulshada, taasoo calaamad u ah himilada Waaxda Booliska ee Columbia Heights. Laba AlifleFaarax waa xubin qiimo leh oo ka tirsan Ururka booliiska Somali-American.
XIGASHO-TUSMO TIMES.