DUQEYN AAD CULUS OO LALA BEEGSADAY HOGAANKA SARE EE ALSHABAAB.

(SAIRKA)-CALI DHEERE OO TAAGAN GOOBTII LAGU DUQEEYEY.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Kooxda Argagixisada ee ALshabaab kuna sugan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubada Dhexe, Baay iyo Shabeelada Hoose ey caawa la kulmeen weeraro dhinaca cirka eyna fuliyeen saaxibadda caalamka ee Soomaaliya ka taageero la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah. Kooxda Argagixsada ALshabaab ayaa maanta oo sabti ah waxa ey baraha Internet-ka ku baahiyeen in Afhayeenkooda Cali Maxamuud Raage(Cali Dheere) uu khudbad ka jeedin doono Mucaskar ey kooxda ugu Magac dartay Sheekh Maxamed Mire Jamac loona yaqaano Abu C/raxmaan kaaso diyaaradaha Maraykanka ey ku dileen wadada isku xirta Muqdisho iyo Kismaayo gaar ahaan degaanka Kuunya Baraw, taariikhdu markeey ahayd 26/12/2024-kii, ninkaan ayaa ahaa Gudoomiyaha ugu sareeyo kooxda ALshabaab ee Goboladda dalka Soomaaliya oo idil. Warbaahinta kooxda Argagixisada ALshabaab ee ALKATA’IN AL-IKHBAARIYAH ayaa Ogeysiis ku bixineysay iney soo gudbin doonto khudbada Cali Dheere uu ka jeedin doono Mucaskarka Maxamed Mire Jaamac oo tababar loogu soo xiraayp askar fara badan oo ku soo biireysa Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada ALshabaab, khudbada ayaa taabaneyso dhinacayo badan sida ey kooxda ALshabaab sheegtay, balse kooxda ma eysan sheegin halka uu khudbada ka jeedin doono Cali dheere. Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaayo in duqeynta ey ka dhacda BUULO FULAAY, Sablaale iyo degaan u dhexeeyo Bu’aale iyo Sariiraha, weerarka ayaa si toos waxaa loola beegsaday Hogaanka sare ee kooxda Argagixisada ALshabaab ee ku sugnaay Mucaskarka la duqeeyey, waxaane ilaa hadda la soo werinayaa iney ku dhinteen ka dib markii la waayey Raga kala ah:(1)-Cali Dheere, oo ah Afhayeenka Kooxda ALshabaab. (2)-Fu’aad Shongole, oo ah Hoaamiye Sare oo kooxda u qaabilsan dhinaca waciygelinta Maleeshiyaadka. (3)-Sheekh Xasan Yacquub,Hogaamiye Sare oo kooxda u qaabilsanaay Gobolada Dhexe ee Soomaaliya. (4)-Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ah Madaxa Waliyaadka G/Banaadir. Dhinaca kale weerarka ayaa waxaa ku dhintay rag Ajaanib ah kooxdana u Tababari jiray Maleeshiyaadka ey u isticmaalaan dagaaladda ey ku qaadaan Xerooynka CXDS sida midkii ugu dambeeyey ey ku hoobteen ee ka dhacay degmada C/dheer ee G/Glgaduud, ilaa hadda inta la soo helay iney duqeynta ku dhinteen ayaa kala ah:(1)-Abu Suleymaan, oo u dhashay dalka Pakistan. (2)-Abu Jacfar, oo u dhashay dalka Marooko. (3)-Abu Suudaani Fahad, oo u dhashay dalka Suudaan, waxaa soo gaaray dhaawac aad u culus,waxa uuna darawal u ahaa sarkaal sare oo isna Ajnabi ah laguna magacaabo Abu Maalig. Duqeyntaan dhacday weli ma eysan ka hadlin DFS iyo Hayadaha Amniga,kooxduna weli sooma eysan saarin wax war ah oo ey ku beeninayaan amaba ey ku taageerayaan wixii ku dhacay. LA SOCO WIXI SOO KORDHO.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

SARKAAL SOOMAALI-MARAYKAN AH OO LA DALACSIIYEY.