RW-XAMSE OO DHAGAXA DHIGAY XARUNTA WASAARADA WAXBARASJADA…
(SAWIRKA)-DHAGAX DHIG.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,uu maanta dhagax-dhigay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta adeegyada Waxbarashada dalka. Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska Xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ey muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ey Wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda. “Xukuumadda DanQaran waxa ey dadaal badan gelisay tayeynta Waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada Waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaana la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo Waxbarasho Jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. Ayuu yiri Raysal Wasaare Xamsa. “Wasaaraddaan Waxaa ey ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ey maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya iney wax bartaan dowladda waxaa ey ku leeyihiin waa iney hagaajiso goobihii ey wax ku baran lahaayeen”. Raysal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga Waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.
ISHA-SNTV.