AGAASIMAHA HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA OO TABABAR U…

(SAWIRKA)-AGAASIME DHUXULAW.

(MUQDISHO)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Duxulow ayaa furay tababar ku saabsan Baarista iyo Hubinta Dukumentiyada, kaasoo ey ka faa’iideysanayaan 30 sarkaal oo ka kala socda Waaxyaha kala duwan ee Hay’adda, oo ey ku jiraan Xuduudaha iyo Socdaalka, Jinsiyadda iyo Ajaanibta iyo Dalkugalka. Tababarkan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo Aqoonta iyo Xirfadaha shaqaalaha ee la xiriira baaritaanka iyo xaqiijinta dukumentiyada, si loo hubiyo saxnaanta iyo sharciyadda dukumentiyada ey soo gudbiyaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee adeegyada ka helaya Hay’adda. Agaasimaha Guud Mustafa Sh.Cali Dhuxulaw ayaa tilmaamay dadaallada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee lagu tayeynayo adeegyada bulshada, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in la helo Saraakiil Xirfad sare u leh Baarista Dukumentiyada iyo barashada astaamaha lagu garto dukumentiyada saxda ah iyo kuwa been-abuurka ah. Waxa uu intaas ku daray in tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda ee lagu xoojinayo adeegyada Socdaalka dalka iyo ka hortagga Socdaalka sharci-darrada ah.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

TALIYE ODAWAA YUUSUF RAAGE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…

Next
Next

RW-XAMSE OO DHAGAXA DHIGAY XARUNTA WASAARADA WAXBARASJADA…