TALIYE ODAWAA YUUSUF RAAGE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…

(SAWIRKA)-ODAWAA OO XAFIISKIISA KU…

(MUQDISHO)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta Xarunta Taliska Ciidamadda Xoogga ee Wasaaradda Gaashaandhigga kusoo dhaweeyay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), haatanna ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu ciribtirayo khataraha Argagixisada, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay wada-shaqeynta ka dhaxaysa Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, si looga miro-dhaliyo degganaanshaha guud ee Gobolka iyo Xasilloonida Soomaaliya. General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha Isbahaysiga IMCTC iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dagaalka ka dhanka ah kooxaha Argagixisada, Wuxuu xusay in Isbahaysigu uu xoogga saaro burburinta fikirka xagjirka ah, ciribtirka ilaha dhaqaale ee Argagixisada. Iskaashigan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ey ugu jirto xaqiijinta Amniga, Nabadda iyo Xasilloonida dalka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY WAX KA BEDELKA HESHIISYADA BOOSATADA CAALAMIGA AH.

Next
Next

AGAASIMAHA HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA OO TABABAR U…