SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY WAX KA BEDELKA HESHIISYADA BOOSATADA CAALAMIGA AH.
(SAWIRKA)-WASIIR SOOMAALI.
(DUBAI/UAE)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegaao in Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada XFS Mudane ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐บ ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐น๐ถ๐บ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ), uu si rasmi ah u saxiixay dhammaan heshiisyada iyo shuruucda wax ka beddelka ee lagu Ansixiyey Shirweynaha 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. Soomaaliya ayaa tallaabadan ku xaqiijisay ka-goโnaanteeda ku aaddan in si buuxda loogu dhaqmo heshiisyada Caalamiga ah ee Boostada, taasoo ka tarjumeysa istiraatiijiyadda dowladda ee ku wajahan casriyeynta adeegyada Boostada iyo kuwa gaarsiinta (courier), si kor loogu qaado Ganacsiga, e-commerce-ka, iyo koboca dhaqaalaha bulshada. Qodobada uu Wasiir Maxamed Soomaali saxiixay ayaa waxaa kamid ah:
(1)-In Soomaaliya door muuqda ku yeelato bulshada Boostada Caalamiga.
(2)-In adeegyada boostada gudaha loo qaabeeyo si ey ula jaanqaadaan nidaamka Caalamiga ah.
(3)-Iyo In la dardargeliyo qorshaha dowladdu ku horumarinayso adeegyada dhijitaalka iyo isku xirka bulshada. Tani waa mid ka mid ah guulaha diblomaasiyadeed iyo farsamo ee dowladda Soomaaliya ey ku muujineyso hoggaamin iyo ka-qaybgal firfircoon oo ku wajahan isbeddellada ka socda bulshada Boostada Caalamka.
ISHA-SNTV.