ISRA’IIL OO KA HADASHAY WEERARKII EY KU QAADAY DALKA IRAAN.
(SAWIRKA)-MEYDADKA IRAANIYIINTA.
(ISRAEL)-Channel-ka 13-aad ee Isra’iil ayaa daaha ka qaaday warbixin telefishan ah in Sirdoonka Dibadda ee Isra’iil ee Mossad ey geysay ku dhawaad 100-Wakiilo Ajaanib ah gudaha dalka Iraan ka hor inta uusan qarxin dagaalka 12 maalmood socday bishii June ee sannadkan-2025-ka, howlgal lagu tilmaamay mid aan horay loo arag marka laga eego baaxadiisa iyo adeegiisa. Warbixinta ayaa lagu macneeyay in ujeedada wakiiladan ey ahayd iney beegsadaan Gantaalada Balaastikada ah ee Iraan iyo Nidaamka Difaaca Hawada, marka laga soo tago taageerada tooska ah ee duqeymaha Isra’iil, sida lagu sheegay website-ka Wargayska laga leeyahay Isra’iil ee The Times of Israel.
KA SHAQEYNSIINTA NIDAAMYADA GENTAALADA CULUS:
Sida lagu sheegay warbixinta, oo la sii daayay todobaadkii hore, wakiiladan sida gaarka ah u tababaran ayaa ku hawlanaa habka Gantaalada culus si qarsoodi ah loogu soo gelin lahaa Iraan. Markii dambe waxaa loo adeegsaday in lagu beegsado Saldhigyada Gantaallada ballistic-ga ee Iraan iyo Nidaamyada Difaaca Hawada ee lagu taageerayo ololaha milatariga Israa’iil. Hawlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid aan horay loo arag marka loo eego baaxadiisa iyo adeygiisa, maadaama tiro intaa le’eg oo wakiilo ah aan waligood la geynin hal hawlgal, sidoo kale wuxuu u baahnaa in la siiyo dadka aan Israa’iiliyiinta ahayn ee gacanta ku haya Nidaamka Hubka Casriga ah.
UNUG CUSUB OO SIRDOON:
Warbixinta waxaa ku jira wareysiyo lala yeeshay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, Wasiirka Difaaca Isra’iil Katz, Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa'ar, iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Tzachi Hanegbi, kuwaasoo daaha ka qaaday faahfaahinta weerarradii ka dhacay gudaha dalka Iraan habeenkii 13-kii June ee dagaalka dhaliyay, oo ey ku jiraan rajada laga qabo faragelinta Mareykanka ee burburinta dhulka hoostiisa ee Xarunta Nukliyeerka ee Fordow, isku dayga lagu dilayo Hogaamiyaha sare ee Iraan Ali Khameyni iyo dadaallada lagu doonayo in lagu dilo Hogaamiyaha sare ee Iraan Ali Khamenei iyo maamulka Tehran. Warbixintu waxa kale oo ey daaha ka qaaday in xagaagii 2023, ka hor weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7, ey Ciidanka Cirka Israa’iil sameeyeen Unug Cusub oo Sirdoon oo la filayo khatarta sii kordhaysa ee Iraan. Weerarada dhacay bishii June ayaa daba socday laba Gantaal oo waa-weyn oo Iraan iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ey ku qaadeen Israa’iil iyo warbixino sheegaya dardargelinta barnaamijka Nukliyeerka ee Iraan. Israa’iil waxa ey marmarsiiyo ka dhigtay weerarkeeda baaxadda leh oo ey ku hayso Hoggaamiyeyaasha Millatariga Iraan, Saynisyahannada Nukliyeerka, goobaha tayeynta, iyo barnaamijka Gantaallada Ballistic-ga si looga hortago in Iraan ey gaarto yoolka ey sheegtay ee ah burburinta Israa’iil. Taa baddalkeeda, Iraan waxay u dirtay Israa'iil in ka badan 500 oo Gantaalaha ballistic-ga ah iyo ku dhawaad 1,100 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Weeraradaas waxaa ku dhintay 31 qof, in ka badan 3,000 oo qofna way ku dhaawacmeen, 2,305 guri oo ku yaallay 240 dhismayaal ah, laba Jaamacadood, iyo isbitaal, waxa ku barakacay in ka badan 13,000 oo Israa’iiliyiin ah.
XIGASHO AL-CARABIYA.