WASIIR AL-CADAAL OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MINNESOTA.

(SAWIRKA)-WASIIR AL-CADAALA.

(SAWIRKA)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka ayaa munaasabad soo dhaweyn sharaf leh ku maamuusay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf AL-Cadaala, iyo wafdi uu hoggaaminayey. Munaasabadda ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo Jaaliyaddu ey Wasiirka uga warbixiyeen xaaladda guud ee Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota iyo guud ahaan dalka Maraykanka, gaar ahaan guulaha iyo horumarka ey ka sameeyeen dhinacyada Waxbarashada, Ganacsiga iyo Iskaashiga bulshada, Sidoo kale waxay muujiyeen diyaar-garowgooda ku aaddan ka qeyb-qaadashada dib-u-dhiska dalka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Dhankiisa, Wasiir AL-Cadaala ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda sida diirran oo ey usoo dhaweeyeen, wuxuuna warbixin dhameystiran ka siiyey xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka sameysay dib-u-soo kabashada dhaqaalaha, dardargelinta hannaanka dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed dib loogu celinayo awoodda iyo go’aaminta mustaqbalkooda. Wasiirka ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey Jaaliyadda iney sii xoojiyaan kaalintooda qaran-jacaylka iyo horumarinta Soomaaliya, isagoo xusay in dowladdu ey muhiimad gaar ah siineyso Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo door muuqda ku leh kobcinta dhaqaalaha iyo Siyaasadda dalka.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO DAWLADDA QADAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS ISAFAGARAD

Next
Next

ISRA’IIL OO KA HADASHAY WEERARKII EY KU QAADAY DALKA IRAAN.