SOOMAALIYA IYO DAWLADDA QADAR OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS ISAFAGARAD

(SAWIRKA)-RW-KU-XIGEENKA 2-AAD OO…

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, uu maanta guddoomiyey kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar. Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dalka, kuwaasoo ey ka mid yihiin;

•⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca

•⁠ ⁠Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

•⁠ ⁠Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka

•⁠ ⁠Warbaahinta

•⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)

Raysal Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ey qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

SENITAR CUMAR FAATEX OO SOOMAALI AYAA TARTAMAAYO XILKA DUQA MAGAALADDA MINNEAPOLIS.

Next
Next

WASIIR AL-CADAAL OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MINNESOTA.