MADAXA QAXOOTIGA QARANKA OO NAYROBI KULA KULMAY…
(SAWIRKA)-GUD.QAXOOTIGA QARANKA.
(NAIROBI/KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya eeNayroobi ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi, ayaa halkaas waxa uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Safaaradda Netherlands, oo uu ka mid yahay Madaxa bini’aadanimada ee Safaaradda, Marwo Rineke van Dam, Ujeeddada kulanka ayaa ahayd xoojinta wada shaqeynta iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dadka gudaha dalka ku barakacay. Guddoomiye Axmed ayaa masuuliyiinta Safaaradda u soo bandhigay warbixin guud oo ku saabsan xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta dalka, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ey Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada arrimaha barakaca, Marwo Rineke van Dam ayaa bogaadisay dadaallada Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan wax ka qabashada dhibaatooyinka barakacayaasha, iyadoo xustay muhiimadda ey leedahay in laga faa’iideysto fursadaha jira lana mideeyo kheyraadka saaxiibada Soomaaliya hayaan. Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa toddobaadkan ku sugan dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeeshay Madaxda Safaaradaha Midowga Yurub, Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada Qaxootiga, Barakacayaasha iyo dadka nugul.
ISHA-SNTV.