MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO MADAXTOOYADA KU QAABILAY RAMLO CALI.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RAMLO CALI.

(VILLA SOMALIA)-Wararka aan ka heleyno Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xiddigta Soomaaliyeed ee Caalamiga ah Marwo Ramla Cali oo dalkeenna ku matasha Ciyaaraha Feerka Caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka iyo dadaalka Ramla Cali, iyadoo ku adkeyastay una dhabar adeygtay mataaladda Qarankeeda, waxaana uu ku tilmaamay astaan dhiirrigelin iyo midnimo oo ey ku faanayaan shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa Ramla Cali waxa uu gudoonsiiyey shahaado sharaf, isaga oo uga mahadceliyey dadaalkeeda, sumcadda ey dalka u soo hoyisay iyo kaalinta ey ku leedahay dhiirigelinta Ciyaaraha Soomaaliyeed. Ramla Cali ayaa horay waxaa casuumad Qado Sharaf ah Liido ugu sameeysay Wasiirad Khadiija AL-Makhzuumi oo ey Ramlo isku xaafad ahaayeen waqtigii ey jirtay Dawladdii dhexe ee Soomaaliya,waxa eyna wada degaayeen Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MADAXA QAXOOTIGA QARANKA OO NAYROBI KULA KULMAY…

Next
Next

DOOD DHINACA AMNIGA AH OO KA TAAGAN DEGMADA MINNEAPOLIS.