WASAARADDA G/DHIGA MARAYKANKA OO SHEEGTAY INTA ASKERI EE…

(SAWIRKA)-HAWLGALKA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) ayaa Talaadada maanta ah sheegtay in qiyaastii 140 askari oo ka tirsan militariga Mareykanka lagu dhaawacay weeraro tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Iiraan. "Inta badan dhaawacyadan waa kuwo fudud, 108 xubnood oo ka tirsan ciidamada ayaa durba ku soo laabtay shaqada," ayuu afhayeenka Pentagon Sean Parnell ku yiri bayaan uu soo saaray. "Sideed xubnood oo ka tirsan ciidamada ayaa weli ku jira liiska dhaawacyada daran waxayna helayaan heerka ugu sarreeya ee daryeelka caafimaadka," ayuu raaciyay. Toddobo askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale lagu dilay weeraradii Iiraan ee horraantii dagaalka, sida ay horey u sheegeen militariga Mareykanka. Ciidamada Mareykanka iyo Israa'iil ayaa bilaabay olole cirka ah oo ballaaran oo ka dhan ah Iiraan 28-kii Febraayo, Tehran-na waxay ku jawaabtay mowjado gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo bartilmaameedsanaya dalal badan oo gobolka ku yaal. Madaxa Pentagon-ka Pete Hegseth ayaa Talaadadii hore sheegay in duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan ay sii kordhayaan, halka tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ay Iiraan riday ay si weyn hoos ugu dhacday.

ISHA-AA.

Previous
Previous

GUDOOMIYAHA XIRIIRKA K/CAGTA KOONGO OO XABSI DAA’IN LAGU XUKUMAY.

Next
Next

ALSHABAAB OO TOOGATAY SHAN DHALLINYARA AH KA DIB DUQEYNTII KU DHACDAY.