ALSHABAAB OO TOOGATAY SHAN DHALLINYARA AH KA DIB DUQEYNTII KU DHACDAY.
(SAWIRKA)-MALEESHIYADDA ALSHABAAB.
(J/DHEXE)-Maalmo ka hor ayey ahayd markii kooxda Khawaarijta ALshabaab lagu qaaday weeraro qorsheysan oo dhinaca cirka ah kuwaaso intooda badan laga fuliyey Goboladda J/dhexe iyo Shabeeladda hoose. Weeraradaasi kooxda waxaa uga dhintay askar fara badan iyo hogaamiyeyaal muhiim u ah kooxda khawaarijta ALshabaab. Hadaba Kooxda Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay Degmada Saakoow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen 5 nin oo dhalinyaro ahaa kuwaasoo ay ku edeeyeen inay basaas u ahaayeen Sirdoonada Dowladaha Somalia iyo Mareykanka. Sidoo kale Kooxda Alshabaab waxay ku eedeeyeen dhalinyarada Soomaaliyeed oo ey toogteen inay ka qeyb qaateen oo xogta ka gud-biyeen xarumo ay leeyihiin oo la beegsaday sida xerooyin ciidan iyo keydad hub oo ay lahaayeen kuwaasoo duqeymo lagu burburiyay. 5-ta dhalinyarada ah ee ay toogteen waxaa laga soo kala qabtay deegaanada Alshabaab ka taliyaan ka dibna Saraakiisha Kooxda Alshabaab ayaa amar deg-deg ah waxay ku bixyeen in xukunkooda laga dhigo dil toogasho ,waxayna ku fuliyeen amarka toogashada ahaa. Allaha u wada naxariistee dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay Alshabaab toogten saacadihii ugu danbeeyay ayaa magacyadooda iyo da’adooda lagu kala sheegay sidan soo socoto:(1)-Mayiow Cabdi Sheekh 40-jir. (2)-C/risaaq Maxamud Faarax 39 jir. (3)-Aadan Maxamed Sheekh 37 jir.(4)-Maxamuud Xuseen Cabdulle 29 jir. (5)-Aweys Cumar Maye 22 jir. Dhinaca kale,kooxda khawaarijta Alshabaab ayaa sheegatay iney dileen nin ey ku sheegeen inuu ahaa Gudoomiyaha Buulo Mareer ee Gobolka Shabeeladda Hoose, ninkaaso khawaarijtu ey magaciisa ku sheegtay in la yiraahdo Muxyadiin Khaliif Caliyaw. Waxaa kaloo khawaarijta ALshabaab ey sheegatay iney weerar madaafiic ah ey ku qaadeen dugsiga tababarka ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed ee Hiil Weyne ee ku yaallo degmadda Balcad ee G/Shabeeladda dhexe, ma jirto cid madax banaan oo cadeyn karta sheegashada kooxda khawaarijta Alshabaab.
ISHA-WAKAALADDO.