GUDOOMIYAHA XIRIIRKA K/CAGTA KOONGO OO XABSI DAA’IN LAGU XUKUMAY.
(SAWIRKA)-GUD.DRC IYO FIFA.
(KINSHASA/DRC)-War-saxaafadeedyada Faransiiska ayaa Talaadada maanta ah shaaca ka qaaday in Jean-Guy Blaise Mayolas, Madaxweynihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ah ee Koongo, lagu helay dambiyo la xiriira lacag dhaqid, been abuur iyo lunsasho, maxkamadda dambiyada ee Brazzaville ayaana ku xukuntay xabsi daa'in. Wargeyska Faransiiska ee L'Equipe ayaa sheegay in lagu xukumay xabsi daa'in ka dib markii uu ka soo qayb geli waayay maxkamadda, isla xukunkaasna waxaa lagu riday tiro ka mid ah asxaabtiisa dhow, oo ay ku jiraan wiilkiisa Lionel Mayolas. Wargeysku wuxuu intaas ku daray in Jean-Guy Blaise Mayolas uu lunsaday 1.1 milyan oo Yuuro oo ah lacago ay Xiriirka Kubadda Cagta Congo ka heleen FIFA. Lacagtan waxaa ku jira, gaar ahaan, codsi deeq ah oo $500,000 ah oo loogu talagalay kubadda cagta haweenka (qiyaastii 429,000 oo Yuuro), kaas oo la soo gudbiyay 2020 iyadoo qayb ka ah barnaamijka gargaarka FIFA ee lagula dagaallamayo masiibada COVID-19. Warbixintu waxay sii wadday: Ballanqaadyadii uu sameeyay Xiriirka Congo ee ku saabsanaa isticmaalka lacagahan, sida abuurista tartamada iyo horumarinta kaabayaasha ciyaaraha, lama fulin. Waxaa xusid mudan in FIFA ay hakisay xubinnimada Xiriirka Kubadda Cagta ee Congo bishii Febraayo 2025 sababo la xiriira "xaalad halis ah oo ka dhalatay faragelinta aan sharciga ahayn ee dhinacyada dibadda ay ku hayaan arrimaheeda, taasoo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah waajibaadkeeda, iyadoo lagu saleynayo Xeerarka FIFA." 14-kii Maajo ee isla sanadkaas, FIFA waxay ka qaaday ganaaxii ay ku soo rogtay Xiriirka Kubadda Cagta Koongo.
ISHA-AA.