GUDOOMIYAHA BASHAQLE OO BIXIYEY WAREYSI CULUS.
(SAWIRKA)-GUD.WAAXDA BASHAQLE,
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo Gobolka Shabeeladda Dhexe gaar ahaan degmada Warsheekh ayaa sheegaayo in Deegaanka Bashaqle ee hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe uu maanta ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo walaalo ah, ka dib markii ay isku qabsadeen Guddoomiye Waaxeed cusub oo dhawaan uu magacaabay Guddoomiyaha degmada Warsheekh. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay dhimashada ugu yaraan shan qof, oo uu ku jiro Muuse Xaadoole, oo ah walaalka xildhibaan Cismaan Xaadoole ahne shaqsi u duulaan tegay Bashaqle sida uu warbaahinta la wadaagay Gudoomiyaha Waaxda Bashaqle Md.Xasan Axmed Xaaji”Marshaale”. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in afar ka mid ah ciidamada maleeshiyada uu watay Muuse Xaadoole ay ku dhinteen dagaalka, halka hal askari uu ka dhintay mid kalane uu ku dhaawacmay dhinaca weerarka lagu qaaday. Dagaalka ayaa ka dhashay muran maalmihii u dambeeyay ka taagnaa magacaabista Guddoomiyaha Waaxda Bashaqle Md.Xasan Marshaale,kaaso la soo magacaabay taariikhdu markeey ahayd 26/2/2026-ka. Sida ay ilo xog-ogaal ah sheegeen, Muuse Xaadoole oo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa isaga iyo ciidamo kale u ruuqaansaday deegaanka Xagaay-deg, halkaas oo uu joogay Xasan Axmed Xaaji Marshaale, oo dhawaan loo magacaabay xil ka tirsan maamulka Warsheekh. Ujeedada Muuse Xaadoole ayaa ahayd in la soo qabto Marshaale, hase yeeshee markii ay gaareen goobta, waxaa dhex maray isku dhac hubaysan. Dagaalka markuu bilaabmayba waxaa la xaqiijiyay Geerida in Muuse Xaadoole ku dhintay goobta, waxaana sidoo kale ku dhintay afar askari oo ka tirsan ciidamada uu watay. Ciidamo kale ayaa kala dhex galay, waxaana la joojiyey dagaalka, inkastoo xiisadda deegaanka Xagaay-deg ay weli taagan tahay, waxaana jirta cabsi ah in khilaafku dib u qarxo. Waxaa xusid mudan in degaanka Bashaqle ee degmada Warsheekh tahay degaan Istaraatiiji ah lana rabo in laga dhiso Dayax gacmeed laakinse waxaa jiro Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed iyo Masuuliyiin ka kala tirsan DFS iyo maamulka H/shabeelle oo qeyb ka ah waxyaabaha ka socdo degaanka Basahaqle.
ISHA-HOL.