DEGAANKA XAWAADLEY OO LAGALA WAREEGAY ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-XAWAADLEEY.

(BALCAD/SH.DHEXE)-Wararka laga helaayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeeladda Dhexe ee DG H/shabeele ayaa sheegaayo in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ay ugu dhuumaalaysanaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah. Guushaan ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Khawaarijtu ka dhigtaan gabaad, waxaana la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay isticmaali jireen. Ciidamada Qaranka ayaa hadda ku howlan xaqiijinta amniga deegaanka, waxaana socda hawlo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay gacanta Khawaarijta ALshabaab. Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS iyo Taliska CXDS waxay mar kale adkaynayaan in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojin doono, si loo xaqiijiyo amniga shacabka, loona ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabaad ka dhigtaan ayey tiri. Dhinaca kale, kooxda khawaarijta Alshabaab ayaa bilawgii sannadkan waxa ey jab xoogan kala kulmeen CXDS ka dib markii lagu weeraray goobo ey kaga dhuumaaleysanayeen degaanka Jabad Godane ee isna ka tirsan G/shabeeladda Dhexe ee DG H/shabeele. Horjooge Kaba-Kutukade oo kooxda u qaabilsan G/shabeeladda dhexe ayaa dhawr sheegay iney weerari doonaan degaanadda Istaraatiijiga ah ee G/shabeeladda dhexe sida Bashaqle, Xawaadleey iyo degmada Cadale.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

XILDHIBAANADA PUNTLAND EE HEER FEDERAAL QAARKOOD OO DHULKA LAGU JIIDAY.

Next
Next

GUDOOMIYAHA BASHAQLE OO BIXIYEY WAREYSI CULUS.