WASAARADDA G/DHIGA DFS IYO HAWLGALKA AUSSOM OO KULMAY.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI IYO MADAXDA AUSSOM.
(MUQDISHO)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta #Muqdisho ku booqday Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, Mudane Axmed Macallim Fiqi. Masuuliyiinta waxa ey ka wada hadleen fursadaha lagu xoojin karo isku duwista iyo iskaashiga u dhaxeeya AUSSOM & Ciidanka Amniga Soomaaliyeed si loo horumariyo Nabadda iyo Amniga Soomaaliya. Waxay kaloo ka wada xaajoodeen hawlgallada socdo ee ka dhanka ah AL-Shabaab iyo kooxaha kale ee sida sharci darrada ah u hubeysan. Danjire Diene ayaa soo dhaweeyey guusha uu gaaray Hawlgalka Duufaanta Aammusan, oo bartilmaameedkiisu yahay sidii kooxda AL-Shabaab lagaga adkaan lahaa Shabeellaha Hoose. Waxaa kulanka ka qeybgalay Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika, Danjire Mouktar Ousman Karie, Taliyaha Ciidanka AUSSOM, S/Guud Sam Kavuma iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare.
ISHA-SNTV.